SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland

SomalilandNews.Net


Contact us

Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 153 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.. .

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 23aad

Qaybta 24aad

Qaybta 25aad

Qaybta 26aad

Qaybta 26aad 

(First publication - 25/10/06)-(2nd Puclication 02/03/2013)

 

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

Qaybtii 25aad waxay inoo joogtay: 
Subeer oo si adag  wakhtigaa telefonka kula hadlay Salma waayo xalay oo dhanbuu soo jeeday in ku dhow saacad iyo badhna wuxu la hadlayay Salma markaa maba oga inta badan hadalada uu odhanayo,
''Salma miyaad I nacday ma go'aan baad keligaa gaadhay, ka dibna telefonekii buu isa saaray salmina inteey kacaa fadhiisatay bay ku celcelisay telephonkii laakiin kamuu qaadin kadibna waatii heestan qaaday oo ayqaybtii hore inoojoogtay -  

Cidii noo ducaynlayd baa, Midba dacal u riixdee, Afar guban daraadood, Dibadaha u joogoo, Duurgal aan ahaynee, Markan degan nidhaahdaba, Waalidkaa na diidane, Daa'inow allahayow, Dudmo yuu igaga tegin

Qaybtii 26aad 

Waxa  
Isa
Daqiiqado yar gudahood ayaa inantii Salma gabi ahaanba jidhkeedu doorsoomay waxaana qabtay xumad ama qandho aan markii hore haynin, talaa ku ciirtay, arrin baa ku cuslaaday, cid ay wax u sheegto ma hayso waxay go'aansatay inay u lugayso gurigii Subeer inyar dabadeed haddana waxay isku qancisay in ay ka war sugto muddo saacado ah maadaama uu xanaaqsanaa.
 Salma waxan odhan karnaa way ka waayo aragsan tahay Subeer marka loo eego dhinaca waxa loo yaqaano Mushkiladaha Qoyska (Family Problems) waayo waxay ogtahay siyaabo badan oo loo xalilo marka ay is qabtaan nin iyo ooridiisu, taasina waxay u sahlaysaa in ay uga wareegto dhinacyo kale.

 

Waxay go'aansatay in aanay ugu tagin gurigooda isla mar ahaantaana aanay telefoonka ku qaraacin balse waxay go'aansasatay in ay u istaagto bartii ay ku balami jireen ee geedkii, waxay tagtay sidii caadada u ahayd geedkii subaxdii hore ee maalintaa si ay ula kulanto marka uu Subeer tagayo shaqada. Waxay meeshii taagnaataba goor dambe ayaa wiilkii Subeer oo ugu soo talogalay shaqo tag isla mar ahaantaana deg degsanaa oo daahsanaa ayaa meel dheer ka arkaya Gabadha taagan goobta in yar dabadeed markuu uu soo gaadhay, isaga oo ku mashquulsan arrimaha isku dul saarmay ee dhinacyada badan ee nolosha, ayuu la soo istaagay Salma oo goorahanba sugaysay isaga, Salaan dabadeed waxay soo dedejisay salmi hadal iyada oo ka baqo qabta in uu weli cadhaysan yahay, waxayna u sheegtay in wax kastaa iska dhacaan isla mar ahaantaana hadalkii maalintii dhawayd ku dhex maray telefoonku aanu ahayn mid dhaawici kara aayahooda dambe sababta ugu weyn ee ay hadalka u tidhina ay ahayd in ay u caqli celiso balse uu Subeer u qaatay si qaldan.

 

            Subeer wuu ka soo dabcay halkii hore ee uu taagnaa, waxaanu ku yidhi: "waxaan la yaabay hadaladii uu waalidkay igu yidhi iyo kuwaagii oo isku mid noqday."
Subeer hadalkii ayuu sii waday oo dhiniciisa ayuu ka raaligaliyay Salma, waxaana la isla qaatay in ay dhan uga soo wadajeedsadaan halganka dheer ee ay ugu jiraan sidii ay mar uun u noqon lahaayeen Qoys.

 

Intaa dabadeed waa la is macasalaamaynayaa waxaanu ballanqaadayaa Subeer sidii uu horeba u ballanqaaday in uu aabihii ka qancin doono arrinta caqabada ku ah, waxaanu u dhaqaaqayaa dhinacii Bakhaarka oo uu markaa ku sugnaa odaygii Dhamal, soo gelitaankii horeba wuxu odaygii aabihii ahaa ku odhanayaa aabbo maxaa kugu dhacay maanta ana waxan rabay in aan kuu diro ganacsigeenii Boorama laakiin waxad moodaa in jidhkaaga daal badani ka muuqdo ee bal ii xaal warran aabo.
 
Subeer ayaa wuxu yidhi: "Aabo waan iska wanaagsanahay waxaanad iyeelina igumuu dhicin"
"Yaab!" odaygii weligii kamuu maqlin odhaahahan oo kale waxaanu aad ula yaabay dhiiranaanta uu kula soo booday kelmadan maadaama aanu hore uga baran waxaanu yidhi Odaygu "Aabo waa maxay waxan kuu geystay ee aad ka cabanaysaa, ma gabadhaad ogayd dhibtay hore inoogu geysatay ayaad haddana tan inoogu daraysaa, mase noqon karnaa, dad ku kala tagaya gabadh iyo wax la mida miyaanad ogayn in aad tahay waaxdaydii midig, haddaadse adigu hadalkayga khalad u qaadatay maxaa kuu diiday in aad si qabow wax iigu sheegto. Imika iyo haatan waan ogaa in aanad beryahan sidaadii ahayn anigana waxa igu qasab ah in aan kuu yeelo wax kasta oo aad rabto. Subeer ayaa ku soo boodaya aabihii isaga oo ay labada indhood ilmo ka socoto kana naxsan erayadii uu aabihii ku yidhi iyo sida uu aabihii ugu jawaabay oo noqday kaaf iyo kala dheeri waxaanu yidhi: "aabo iga raali noqo, I cafi, oo I saamax, waan ogahay in aan khaldamay waanan ogahay in aanu ifka jirin cid iga kaa jeceli, imikana haddaad igu tidhaahdo iska daa iyo haddaad tidhaahdo waan kuu yeelay labadaba raali baan ka ahay waxaanan diyaar u ahay in aan qaato ducadaada ee aabo ii ducee."
 
Dhamal ayaa isu raaciyay "gabadhiina waan kuu oggolaaday waanan kuu duceeyay ee aabo maanta sidee buu qalbigaagu yahay ma ku faraxsan tahay maxaa kale ee aan kuu qabtaa."
 
Jawiga Subeer ee xilligani wuxu noqday mid aan la tilmaami karin, waxaanu ugu jawaabay aabihii: "ma jiro arrin kale  oo iigu kaa hadhsan."
 
            Intaa dabadeed waxa la isku soo raacayaa guriga si loogu qada tago bal haddaba aynu eegno maadaama ay Subeer iyo Aabihii ka soo heshiiyeen arrinkii Salma sida uu isku beddelay xidhiidhkoodii waalidnimo oo markii horeba ay ahaayeen laba is dhalay dhinacna ka saaxiiba iyadoo ay u sahahashay madinimadu ayaa Subeer mar walba wuxu ku dhiiranaa inuu aabihii u dhalo Wiilal kale taasoo ahayd mid labadooda oo qudha ka dhaxaysa oo aany ogayn reerka intiisa kale, waxaana dhexmaraysa wakhtigan sheekadan,
 
Subeer ayaa wuxu yidhi: "Aabbo gacaliye, adiga oo iga raali ah, hal aan ku idhaahdo, maadaama aniga iyo gabdhaha aad dhashay ee aanu wallaalaha nahay aanu hadda nahay dad waa weyn oo gaadhay xiligii ay waalidkood u abaal gudi lahaayeen, sidee bay kuula muuqataa haddii aanu adiga laftaada kuu guurino oo gabadh yar oo noo dhasha ubad yar yar, taas oo laga yaabo in Illaahay kaa siiyo wiilal kale oo anigana madinimada iga baabi'iya oo garab iyo gaashaan ii noqda."

Oday Dhamal ayaa isna yidhi: aabo taasi ma xuma laakiin, sebenka aynu ku jirno gabadha aan guursadaa waxaan u arkaa inay inagu soo kor-dhinayso rab-shad waayo hadda waxaan ku hawlanahay maamulkiina qoysnimo iyo dhismaha ubadkayga, balse hadii aan hadda guursado waxaan ka mashquulayaa dhismihiinna.

Sidaa darteed iminka iima muuqato meel aan ka guursadaa, maxaa yeelay sida aad ogtahay labadii hablood ee aad walaalaha ahayd mid waa la guursaday, midna weli way joogaan, adiguna sidoo kalena waadigan aan aqal yeelan sidaa awgeed markaa aad wada fushaan, hadii Alle-idmo waan iska tashan doonaa, mana waayayo wadaad dabka ii shidda.
 
Subeer oo sheekadiisii iyo sheekadii cusbayd ee aabihii isku wada ayaa yidhi aabo markaan eego dabeecadaha ay naxariista badani ka muuqato ee leedahay, waxaan moodi jiray inaad tahay qof caynaan jilicsan oo aan diidayn talada iyo waxa danahaaga ku saabsan ee aanu u soo jeedino,  laakiin hadda waxa ii muuqatay inaad adigu igu dhashay madax-adaygga iyo goaan qaadashada adag, balse hadii aan dib ugu soo noqdo arrintan, waxaan aabo ku waydiinayaa, sidee baad u aragtaa hindisahaygan, cusub ee ku saabsan guurkayga
 
Oday Dhamal ma aha nin ad-adag, wuxuuna wiilkiisa Subeer dheeryahay dhaqan-bulshanimo iyo kaftan badnaan, taas oo uu wiilkiisa waxa uu doonayaba u sheego isaga oo qoslaya, dabadeed oday Dhamal isaga oo la hadlaya wiilkiisa Subeer, wuxuu yidhi aabo Subeerow haddii aan ka jawaabo arrinta gabadha aad sheegtay, waxaan tafaasiil ka bixin kari lahaa adiga oo I tusa, kadibna marka aan arageeda iyo qiimaynteeda ka bogto wax I waydii.
 
Subeer intuu qoslay ayuu aabihii ugu jawaabay aabo bal ka waran haddii ay tahay gabadha ugu fool xun gabdhaha magaalada jooga, maxaad yeelaysaa.
Oday Dhamal hadalka meel fog kama doonin, kumana raagin jawaabta ee wuxuu si deg deg ah u yidhi aabo horta nin walba waxa u qurux badan gabadha uu ka helo, waana tii hore loo yidhi, ninba tuu calmadaa wow Cambaro-luul, markaa aabo gabadha aad arkootay sow adiga kumay cajabin.

 

Subeer baa isna yidhi aabo waa runtaa oo nin kasta ama qof kasta qofka uu jeclaado ama calmado ayaa aragtidiisu tustaa inuu dadka ugu qurux badan yahay, uguna wacan yahay, anigana gabadha aan calmaday ayaa dadka igula qurux badan, iigulana qaayo badan walow ay runtii tahay qof qurx iyo qiimeba loo dhameeyey.
Markii ay Subeer iyo aabihii hal cabaar ah is dhaafsadeen wada sheekaysi iyo doodo kaftan u badan, runna aan ka taganayn, waayo waxa la yidhi waayeel hadalkiisa kaftanka ayuu ku dhamaystaa. Ayuu Subeer u hadlayaa si aan kaftan ku jirin oo runta lafteedii ah, wuxuuna yidhi aabo sida ii qorshaysan muddo saddex toddobaad ah ayaa ka hadhsan waqtigii aan u qoondeeyay in loo tago gabadha reerkooda, si loo waydiisto."
Odayga Subeer aabihii aad buu u yaqaan Xaaji Abtidoon, wuuna ogyahay inuu gabadh keliya leeyahay wax ubad ah.
Odaygu isagoo hadalkiisii sii wata  wuxuu wiilkiisa ku yidhi: aabo waayahay wax kasta oo aad u baahato anigu maya kaa odhan maayo, hawshana waan kula dhamaynayaa ee diyaar-garow.

 

Subeer waayahay aabo ayuu yidhi, dabadeedna waa la kala tegay, 
Laakiin Subeer isaga oo faraxsan ayuu markiiba tegay xafiiskoodii ganacsiga, wuxuuna si deg deg ah u qabsaday Telefoonka oo wuxuu la hadlay Salma, wuxuuna si farxad leh ugu yidhi Salmay wax badan baan sugayay inaynu mar uun isu noqono nin iyo ooridii, laakiin maanta ayay himiladaydii sararta gadaanka saaran tahay, waayo aabahay wuu ila ogolaaday arrinteenii aan ula tegay, wuxuuna I siiyay kalsoonidii ugu dambaysay ee qadiyadda guurkeena, markaa miyaanay xaajadeenu maanta joogin guushii kama dambaysta ahayd.
 
Salma intay farxad la riyaaqday oo ay jidhiidhico farxadeed jidhkeeda tin iyo cidhib saaqday ayay tidhi Walaal Subeerow miyaad kaftamaysaa, mise run baad ii sheegaysaa. Salma way sii waday hadalka waxayna tidhi walaal Subeerow arrinta keliya ee aan werwerka ka qabay ee aan ka baqayey waxay ahayd inuu aabe Dhamal qaddiyadeenna ku gacan saydho mar labaad oo uu is hortaago guurkeenna, markaa miyaad iga farxinaysaa oo wuu aqbalay, bal ii waran haddii ay arrintu run tahay muxuu kugu yidhi Subeer, isaga oo si kalsooni iyo yididiilo badani ka muuqato u hadlaya ayuu u jawaabay Salma, wuxuuna yidhi Salmay, Gacalo, arrintaasi way dhamaatay laakiin aabo wuxuu igu yidhi, waxaan rabaa inaad I soo tusto gabadha aad guursanayso si aan u arko sida ay u egtahay, waayo buu yidhi waxaan doonayaa inaan kaa eego gabadha aad guursanaysaa inay tahay gabadh qurux badan iyo in kale, dabadeedna taa waan ka yeelay, ee sidee bay adiga kula tahay Salmay.

 

Salma waxay hadalkaa kaga jawaabtay walaal Subeerow miyaad igu ciyaaraysaa, mise waa kaa dhab, iminka waxaad doonaysaa inaad dabada iga kaxayso oo aad odaygii I horgayso, miyaadanse ogayn aabo iska daayoo inaan qofkasta oo aad wax isu tihiin ka xishoodo oo aanan wejiga siin-karayn, markaa walaal Subeerow hadii aad iga naxayso sidaa haygu talin.
 
Subeer, isaga oo ku ciyaaraya Salma ayuu hadana ku yidhi Salmay walaal ma jiro dariiq kale oo inoo furan oo aan ahayn inaad odayga hor tagto oo aan iskiin baro, ka dibna aad wada sheekaysataan oo is-barataan.

 

Salma, way sii naxday, waxayna hadalka Subeer u haysataa hadal run ah, dabadeedna waxay ku tidhi Alla walaal Subeerow miyaad waallan tahay, ma waxaad  doonaysaa inaan qaracmo, miyaadan iga naxayn, alla   walaal iga daa ha I horgaynin odayga ii soddogga ah ee aanan wejiga siin karayn,balse Subeerow hadii aanad doonayn inaan muraaradilaaco odayga igala hadal oo uga cudur daar arrintayda, aniga oo aad kaaga codsanaya inaad iga bad-baadiso naxdin iyo baqdin naftayda waxyeelo u gaysan karta hadii ay dantu igu khasabto inaan odayga hortago, waayo haddii ay arrinteenu u xanibmayso shardigaa markaa waan ku khas-banahay inaan sidaa yeelo, laakiin waxaan kaaga baahanahay suuf iyo xanjo waxaad isku xidhoba inaad iga furato hor-tegidda wejiga odayga.

 

Salma waxa ka dhamaaday baryootan iyo hallaan-hal sidii ay u lahayd walaal odayga hay horgayn ee iga daa, iyadoo ku walaatay calaacal iyo walaac.
 
Hase yeeshee goor dambe oo uu calaacal ka dhamaaday ayuu Subeer u sheegay inuu ku ciyaarayey oo uu arrintaa hore u dhameeyey, taas oo uu aabihii ku qanciyey inuu iska ilaawo qoddobkaa.
 
Markii uu Subeer sidaa yidhi gabadhii Salma waxa ka soo booday neef-weyn, waxayna tidhi waar walaal gacaliye maxaad iigu ciyaaraysay naftii baad iga saartee, iminkana aad baad u mahadsan tahay mar hadii aad arrintaa hore iiga horjoogsatay oo aad dhamaysay.
 
Subeer baa isna yidhi walaal Salmay, mar-mar waa isaga keen furan yahay kaftanka iyo laacdanka kalgacaltooyo, laakiin taa odayga marna kama yeeleen, hadii aan ka yeelano waxay noqon lahayd nin hawsha dhinaciisii dayacay oo kugu soo daayey arrin aan kufkaaga ahayn.

 

Intaa markii ay Salma iyo Subeer is-dhaafsadeen ayey is-macasalaameeyeen oo kala tageen, iyadoo xiliga ay hawshu dhacayso iyo sida loo maamulayona laga sii ballamay.
Hase yeeshee Subeer labo maalmood ka dib ayuu safray dhinaca magaalada Berbera, halkaas oo uu ka soo samaynayey xisaab xidh ku saabsan meherado ganacsi oo ay Berbera ku leeyihiin, wuxuuna halkaa ku maqnaa toban maalmood.
Laakiin maalinkasta Salma iyo Subeer telefoonka ayey ku wada xidhiidhi jireen ee ma ahayn dad kala baadiyoobay.
Salma tobankii cisho ee uu Subeer Berbera ku maqnaa mar qudha guriga debedda ugama ay soo bixin.

 

Subeer Tobankii cisho ka dib wuu so noqday, dabadeedna  isla maalintii uu soo galay ayuu markiiba Telefoon u diray Salma, kuna wargeliyey inuu yimi, wuxuuna intaa u raaciyey inuu doonayo inay is-arkaan isla caawaba, taas oo ay iyana dhinaceeda ka aqbashay, waxaana lagu ballamay goobtii caanka ahayd ee lagu ballami jiray.
Dabadeedna 7:00 fiidnimo ayaa la isugu yimi goobtii ay ku ballameen, laakiin habeenkaa lama tegin hudheelkii cuntada ee ay arimaha ku soo gorfayn jireen, sidaa darteed waxay habeenkaa dhex-qaadeen suuqa ganacsiga Allaabooyinka iyo dukaamada lagu iibiyo alaabooyinka udugga iyo quruxda

 

Dabadeedna Subeer ayaa intuu Salma soo dhex-taagay Dukaan camiran ku yidhi Walaal ka qaado wixii aad alaab u baahantahay iyo wax kasta oo ku cajebiya oo ay naftaadu u baahan tahay laakiin Salma iskuma ay badin ee waxay qaadatay waxoogaa alaab ah  oo ay hadiyad ahaan uga qaadatay lamaanaheedda jacayl.
Goor ay damacsanyihiin inay suuqaba ka soo baxaan ayey Salma isha ku dhufatay dukaan aad u camiran oo iibiya alaabada ragga sida dharka, kabaha iwm., dabadeedna waxay tidhi walaal Subeerow igu leexi dukaankaa Subeerna wuu ku soo leexiyey, dabadeedna Salma ayaa tidhi soo deg Subeerow, wuu soo degay, isaga oo yaaban oo leh Walaal Salmay maxaad dukaankan uga baahantahay, laakiin Salma ayaa ugu jawaabtay Walaal gudaha hore u soo gal anigaa kuu sheegayee.

 

Markii ay dukaankii gudaha hore u galeen ayey Salma tidhi Walaal Subeerow waxaan goaansaday inaan kuu iibiyo laba bed-ladood ama iskujoog oo dhar ah, markaa I tus nooca aad ka hesho, laakiin Subeer intuu si kalgacal ku dheehanyahay u milicsaday ayuu ku yidhi Walaal Salmay iska dhaaf maxaa kugu igbaaraya wax iibinta, illayn hadii aan maryo u baahanahay lacag waan haystaa oo waan iibsan lahaaye.
Salma taa way ku gacan saydhay, waxayna tidhi Subeerow hadalka iska dhaafoo maryaha ma xulanaysaa, mise anigaa kuu xula.
Dabadeedna Subeer wuxuu xushay hal iskujoog, halkii ee kalena  Salma ayuu ka codsaday inay u xusho, wayna u xushay.
Subeer iyo Salma arrad iyo baahi wax uma iibsanayaan, laakiin tani waxay uga dhigan tahay hadiyado jacayl oo la is dhaafsanayo.

 

Dabadeedna markii la soo alaabo iibsi dhamaystay ayaa inta meel wax laga cabo cagta la soo mariyey wadada laydha la soo cabay, laakiin habeenkaa waxa magaalada ku daay roob ma hiigaan ah, taasina waxay Subeer iyo Salma u suurtagelin wayday inay marqudha cagta dhulka dhigaan, sidaa darteed baabuurkii ay wateen dushiisa ayey waqtiga intiisa badan ku qaateen.

 

Markii ay suuqii ka soo fanjeediyeen ayey sheeko is-galaabixiyeen.
Subeer ayaana sheekada bilaabay wuxuuna yidhi  Walaal Salmay 13-ka bisha ayaanu reerkiinna u soo gole fadhiisanaynaa oo lagu waydiisanayaa, maalintaana waxa ka hadhay shan maalmood oo qudha markaa sidaa reerka u sii sheeg, adiguna digtooni iyo di
yaargarow waa inaad ku sii jirtaa.

 

Salma hore umay ogayn waqtiga kama dambaysta ah ee ay Subeer iyo aabihii u ballameen inay reerkooda u imanayaan, sidaa darteed intay farxad la riyaaqday ayey tidhi Alla Subeerow walaal maxaad taa iigu sheegi wayday, ma waxaad is tidhi hadii aad u sheegto farxad bay la muraaradilaacaysaa,
Subeer intuu si raxmadleh u qoslay ayuu yidhi Salmay in yar baa ka hadhay waqtigii aynu waxkasta ka arrinsan lahayn ama ka tashan ama isu sheegi lahaynAma si walba isu xaal ogaan lahayn, markaa inoogu ducee nasiib wanaagsan iyo inay wax waliba inoogu dhamaadaan guul iyo khayr, waana inoo ayaamahan, isla markaana wixii hore inoola soo kulmay adna waa nasiibkaa anna waa ayaankay.
Salma, iyadoo dareen kal-gacal iyo xushmadi ku dheehantahay ku milicsanaysa mataankeeda jacayl ee Subeer ayey ku geeraartay heestan:
 

Mar adoo iga dheerbaa,

qalbigu kuu dhawaaqaa.

Marna adiga oo dhow,

Indhuhu kaa dhergayn.

Mar anoo dhagi hurdada galay,

  Haasaawaha kula dhig dhigay

Sidaad iigu dheertahay

 ma ruuxaan kula dhigaa jira.

Sow dhuuxa iyo maad raacin dhiigaba

Bal dhankaaga qabo caashaq

Yaanu dheeliyine anigana

I dhawr sida curad la dhalay

Aan dhool dhoolinee.

La Soco Qaybta 27aad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO.COM & SomalilandNews.net - Chair and Chief Editor

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE