SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

 Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka

(Sheekadan Waxa SDWO.COM ka Akhriyey in ka badan 155 kun oo qof)

Waxa Qoray: Cabdiraxman Maxamed Guun - Hargeisa

Qisada Buugani Waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.. .

 

Qaybta Kowaad

Qaybta Labaad

Qaybta Sadexaad  

Qaybta Afraad 

Qaybtii Shanaad

Qaybtii Lixaad

Qaybta 7aad

Qaybta 8aad

Qaybta 9aad

Qaybta 10aad

Qaybta 11aad

Qaybta 12aad

Qaybta 13aad

Qaybta 14aad

Qaybta 15aad

Qaybta 16aad

Qaybta 17aad

Qaybta 18aad

Qaybta 19aad

Qaybta 20aad

Qaybta 21aad

Qaybta 22aad

Qaybta 23aad

Qaybta 24aad

Qaybta 25aad

Qaybta 26aad

Qaybta 27aad

Qaybta 27aad - dhamaad 

(First Pubication 15/11/06 2nd Publication 10/04/2013)

 Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

 

 

Qaybtii 26aad waxay inoo joogtay: 
 
Salma oo aad u dhuganaysay mataankeeday jeclayd ee Subeer deedan ku luqaysay heestii  - Mar adoo iga dheerbaa, qalbigu kuu dhawaaqaa. Marna adiga oo dhow, Indhuhu kaa dhergayn. Mar anoo dhagi hurdada galay,  Haasaawaha kula dhig dhigay, Sidaad iigu dheertahay,  ma ruuxaan kula dhigaa jira. Sow dhuuxa iyo maad raacin dhiigaba, Bal dhankaaga qabo caashaq, Yaanu dheeliyine anigana, I dhawr sida curad la dhalay, Aan dhool dhoolinee.

 Qaybtii 27aad    

Isa
Salma marka ay geeraarkaa yar ku heesayso, waxay duljoogaan gurigoodii, dabadeedna Salma intay gaadhigii daaqadda iska furtay ayey si xushmad iyo ixtiraam leh u tidhi Walaal Subeerow isma ilowno, macasalaama iyo nooli-kulantee. Subeer waayahay walaal Salmay, koleyba hawsheenu kaabiga ayey saarantahay, maalmo yar ka dibna hadii eebe idmo kala hoyan-mayno ee waynu wada hoyanaynaa.

 

Marka uu Subeer weedhahan ku tiraabayo Salma daaqadda baabuurka oo furan ayey lugta kala sii degeysaa, laakiin intay hakatay ayey daymoonaysaa oo qoorta u soo jeedinaysa dhinaca Subeer, dbadeedna markuu Subeer hadalkaa yidhi ayey Salma farxad iyo riyaaq daraadeed ilmo ka soo dareertay, wayna degtay oo waa la kala hoyday, iyadoo uu waqtigu yahay abaara 8:30-kii caweysnimo.

 

Subeer markii uu gurigoodii tegay wuxuu ugu tegay aabihii oo fadhiya daaradii guriga oo ay laydh aad u qaboobi ka dhacayso waana markii uu roobkii daay qaaday  ka dib.
 ayaa bariido la is dhaafsaday iyo qader sheeko ah,
odayga ayaa Subeer u qadimay suaal wuxuuna yidhi Aabo Subeer, waxaad Berbera ku maqnayd muddo toban cisho ah, mudadaasna ismaynu arag,imana aynu waraysan laakiin markii aad guriga soo gashay ayaad markiiba deg-deg u baxday ee maxaa soo kordhay oo aad la carartay.

 

Subeer ayaa ku jawaabay Aabo waa runtaa oo inaga oo aan is arag, isna waraysan ayaan deg-deg u baxay, laakiin dhibi ma jirto, meel kalena maan qabanine, waxaan u tegay gabadhii aan guurka ka damacsanaa oo aan u sheegayey arimo yar-yar.
Odaygiibaa hadana yidhi Wiilkaygiiyow, sowtaan ku idhi aabe qofkasta oo aad jeceshahay aniguna waan kula jecelahay, waana anigii kuu sheegay inaan diyaar kuu ahay  wax kasta oo aad u baahan tahay inaan wax kaala qabto,laakiin maxaad wax iiga qarsataa
Subeer wuxuu hadana ku jawaabay Aabe horta iga raali ahaw, laakiiin arrinta aan maanta ugu tegay  gabadhaa ma ahayn wax weyn ee waxaanu tagnay Dukaamada dharka, waxayna ii soo iibisay maryahan aan tuurta ku sito, ta kale gabadhaasi aad bay kaaga xishootaa, wayna ku adagtahay inay wejigaaga timaado xishood dartii, sidaa darteed bay uga warwareegtaa aragaaga.

 

Oday Dhamal Waan gartay laakiin goorma ayaad marka dambe la kulmaysaa
Subeer: Aabo horta miyeynaan arrinta dhamaynayn, sowdiga og inay waqtigii aynu reerka la ballanay ka hadhsantahay shan maal-mood oo keliyi.
Oday Dhamal: Aabo waan ogahay, waynuna u diyaar-garoobaynaa
Intaa markii ay is dhaafsadeen Dhamal iyo wiilkiisa Subeer ayey kala hoydeen, iyaga oo aan iska waraysan safarkii uu Subeer Berbera ku tegay iyo hawlihii uu ka soo qabtay.Waqtigu wuu isa soo gurayaa, sidaa  darteed maalintii gole-fadhiisiga guurka Subeer loo ballamay, waxa la soo gaadhay maalin ay ka hadhsantahay labo cisho oo qudha, laakiin labadii reer mid waliba goonidiisa ayuu ka diyaargaroobay, guryihiin waxa lagu sameeyey qolof rid iyo rinjiyeyn, taas oo lagu sameeyey qurxin loogu diyaargaroobayo munaasibadda gole-fadhiisiga ee lagaga wada hadlayo guurka Subeer iyo gabadha uu doonayo ee Salma.
Subeer, waa nin gabdho badan la dhashay, sidaa darteed wixii hawl guriga looga baahnaa hablahaa qabtay, Subeerna hawli ma haysato, laakiin gabadhii Salma oo, iyadu keligeed reer gabadh iyo wiilba u ah naftaa ka baxday hawl daraadeed, waxaana hawsha diyaar-garowga gole-fadhiisigeeda u sii dheeraa qol cusub oo toddobaadkii uu dambeeyey lagu kordhiyey gurigooda, iyadoo qolkaa loogu talo galay maalinta la isu soo gole-fadhiisanayo inay fadhiistaan ragga wada hadlayaa.

 

Subeer iyo Salma marka laga yimaado hawsha lala wadaago, waxa kale oo uu mid waliba goonidiisa ugu jiraa diyaargarow gaar ah oo aroos, taas oo uu mid waliba ka shaqaynayo gurxinta jidhkiisa iyo hugiisa si ay u yeeshaan shacnigii iyo wanaagii lagu yiqiin dad aroos ah.
Waxa loo kal-tiriyoba waxa la soo gaadhay gelinkii hore ee maalintii ay ballanta gole-fadhiisigu ahayd.

 

Sidaa darteed oday Dhamal ayaa wiilkiisii Subeer subaxnimadii  ku yidhi Aabo gabadha mar hadii aad heshiiseen ma ka wada hadasheen meherka.
Subeer ayaa ku jawaabay
Aabo mayee kamaanu wada hadlin.Odaygii baa hadana yidhi Aabo waxa wanaagsan inaad arrinta meherka ka sii heshiisaan Si aanay hadhaw qar-ba qarbo idinku noqon.
Subeer, waayahayv aabe ayuu yidhi, dabadeedna goor barqadii ah ayuu Salma telefoon u diray wuxuuna Bariido ka dib ku yidhi Walaal Salmay sida aad ogtahay kulankii arrinteena ku saabsanaa ee loo ballamay waa maanta, laakiin waxa jirta arrin aynaan ka wada hadlin oo aan hadda uun xusuustay
Salma oo yara naxsan oo hoosta iska waydiinaysa tolow, maxay ahayd arrinta weli qabyada ahi, sowdinkii wax walba hore u dhamaystay ayaa tidhi Walaal Subeerow maxay ahayd arrintaasi
Subeer wuxuu ku jawaabay Walaal wax kale maahee waxaynaan ka wada hadlin arrintii meherka, taas oo xiliga meherku dhacayo la ina waydiinayo aduunka meherkaagu inta uu yahay ioy ma ka heshiiseen.

 

Salma oo ka wer-wersanayd arrinta Subeer sheegayaa waxa ay tahay ayaa neefi ka soo booday waxayna tidhi Alla Subeerow walaal waaban naxay oo waxaan mooday inay dhibaato soo korodhay, ee hadii ay intaa tahay maxaad iga waydiinaysaa sowdiga og inaynu is-jecelnahay oo aynaan waxba isku diidanayn habayaraatee ama waxba isku xidhayn, taasna anigu wax sharuud ah kuma xidhayo habayaraatee ee maxaad ka yaabtay
Subeer: Walaal Salmay meherku waa qoddob shareeco ah, oo aan ku salaysnayn malo-awaal, sidaa darteed waa arrin u baahan in la sugo, waxna lagaga heshiiyo, iyadoo uu meherku yahay xaq ay gabadhu leedahay sharciyan,markaa waa inay labada qof ee uu qofna meherka xaq u leeyahay, qofna laga doonayo  wax kaga heshiiyaan, wuxuna noqdaan wax   ay iskala raali yihiin, ta kale miyaadan ogayn inuu meherku yahay xaq aad adigu leedahay oo aan cidi kula lahayn goaankiisa, kaana qaadi karrin taladiisa iyo waxa aad ka damacdo inaad ka dhigato ama qabsato.
Salma, Waayahay walaal waan gartaye, hadda maxaynu yeelnaa adiga ayaaban kuu dhiibaye, maxaad odhan lahayd oo ay kula tahay illeyn waxba ma kala lihin, waxna kugu diidi maayee.

 

Subeer, wuxuu si aad kaftan moodo,laakiin  run ah u yidhi Salmay anigu weligay maan guursane malaa adigaa taa igaga waayo aragsan oo igu dhaama taladeeda, laakiin hadii aan horta anigu dhaan-wadadayda iska rito, waxaan maqlijiray gabdhaha waxa lagu meheriyaa intii hooyadood lagu meheriyey ama soddoh-dood lagu meheriyey, balse hadii eebe idmo oo ay arrinteenu dhamaato adigu soddoh ma lihid oo Alla ha u naxariistee aniga hooyaday waa dhimatay, laakiin waxa nool hooyadaa ee sidee bay kuugu muuqataa hadii aad telefoonka yara dhigato oo aad si farsameysan hooyo u soo waydiiso adduunkii lagu meheriyey.
Salma intay tidhi I sug ayey telefoonkii deg-deg u dhigtay ka dibna intay hooyadeed u tagtay ayey ku tidhi Hooyo weligay kumaan waydiine iga raali ahow, oo waxaan ku waydiiyey aduun intee leeg buu aabahay kugu mehersaday markii aad isguursateen
.Salma kuma ay degdegteen suaashaa noocaas ah inay hooyadeed waydiiso, laakiin waxay ahaayeen labo qof oo is dhalay, hadana saaxiib ah, waayo maadaama ay Ruun wax ubad ah Salma oo keliya dhashay, Salmana ay hooyadeed jeceshahay, keligoodna ay weligood guriga ku wada noolaayeen waxay mararka qaarkood u sheekaysan jireen ama u kaftamijireen sidii labo qof oo saabiix ah.

 

Ta kale hooyo Ruun waxay ahayd qof dhaqanka taqaan oo arrintaana fahamsan, Sidaa awgeed hooyo Ruun may dhibsan ama lama yaabin suaasha ay gabadheedu waydiisay, wayna uga jawaabtay markiiba,waxayna ku tidhi Hooyo anigu waxa la igu meheriye 20 Tul-dood oo geel ah, laakiin waxaan ku waydiiyey maxaad maanta suaashan ku keentay.
Salma waxay ku jawaabtay Hooyo wiilkii aanu isguursan lahayn ayaanu ka doodnay meherkaygu waxa uu noqonayo, maadaama maanta arrintayada ay labada reer isugu gole-fadhiisanayaan, markii aanu taa wax iska waydiinayna waxaanu tixraacanay waxyaalihii dadkeena dhaqanka u ahaan jiray marka ay is guursanayaan, taas oo la yidhi gabadha marka la guursanayo waxa lagu meherin jiray inta hooyadeed ama soddoh-deed lagu meheriyey, sababtaa ayaana keentay inaan suaashaa kuu waydiiyo hooyo gacaliso.
Hooyo Ruun ayaa hadana tidhi Waan gartay, sida aad sheegtayna waa wax jiri jiray ama hadaba jira dhaqan ahaan.

 

Dabadeed Salma intay telefoonkii oo goorahanba is bar-bar yaalay ku noqotay ayey Subeer ku tidhi: Walaal Subeerow hooyo waan waydiiyey suaashii, waxayna ii sheegtay in lagu meheriyey 20 hallaad oo geel ah.

 

Subeer dood kama keenin, wuxuuna yidhi: Waayahay walaal sidaa ayaa inoo ballan ah, waana inoo maanta iyo kulankii loo ballamay.

Sheekadii xiisaha lahayd ee mudada dheer inoo socotay waxay ku soo gebogeboowday aakhirkii in Salma iyo Subeer ay is calfadaan oo ay qoys is jecel noqdaan.

Dhamaad

Qalinkii - Cabdiraxmaan Maxamed Guun

 

Guled Abdi Sheekhaash - Chair - SDWO.COM & SomalilandNews.net

 

La soco sheekooyin jacayl ah oo aad u xiiso badan oo uu dhowaan inoo soo wado qoraagii sheekadan dhamaatay hada ee Mr Cabdiraxman Maxamed Guun.  Sheekooyinka inoo soo socda waxa ka mid ah: Jacaylkii Rajo beelay iyo Riyadii ka horeysay.  iyo sheeko kale oo iyana xiiso leh oo la yidhaah Damac iyo Dareen Jacayl

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE