SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo xaflad Casho sii sabootin ah u samays dhalinyaradii kubada ee ka timid UK

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND

CLICK HERE -  SDWO RELIEF PROJECTS

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

SDWO (Hargeisa 14/07/2011)  Dhalinyaradii  da,yarta ahayd ee Ciyaaraha kubada cagta ee ka timid UK ayaa xalay waxa casho sharaf sii sabootin ah ugu samaysay hotel ka ambassador ee magalaada Hargeysa wasiirka wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Ilhan Maxamed Jaamac.  Dhalinyaradan ayaa dalka ku sugnaa mudo 3 todobaad ah iyagoo ciyaaro kubada cagta ah la soo ciyaaray gobolada Maroodijeex(Hargeysa) Awdal, Saaxil iyo Togdheer. Ciyaarooyadan da,yarta ah ayaa Dhamaan ka badiyey gobaladii ay la ciyaareen marka laga reebo goblka Awadal oo iyagu ka badiyey dhalinyaradan.

Xafladan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay ayaa cuntadii iyo ciyaarahii ka dib halkaas waxa hadalo kooban ka jeedisay Wasiirada Marwo Ilhaan oo sheegtay inay aad ugu faraxsantahay in dhalinyaradan yaryari ay dalkoodii yimaadaan, waxaanay sheegtay inay oofisay balanqaadaydii ay us oo qaaday dhalinyaradan mar ay kula kulantay magaaalada London.   Marwo Ilhaan ayaa aad u waanisay dhalinyaradu inaanay isku qaadan inay yahiin dalalka ay baasboorodooda sitaan ee ay had iyo jeer yahiin kuwa u dhashay dalkan loona baahanyahay inaad dalkiina aad wax u soo qabataan,  weliba wasiiradu waxay tidhi hablahu aad ayay u dadaalayaan oo markaad la sheekaysato waxay ku odhanyaan degree noocaas ah ayaan haystaa, markaan ku idhi maxaad u guursanweydeen waxay iigu jawaabaan hadal aad looga naxo oo ahayd Gayaankayagii waxay ku wada jiraan jeelasha ingiriiska. Sidaasi darteed dhalinyarada wiilasha ah waxay ku buurisay inay ka dheeraadaan wixii denbi u keeni kara.

Xafaladan waxa kale oo iyaguna ka hadlay Muna Casayr oo ka tirsan wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada,  Waxa kale oo ka hadlay Xasan Waraabacade, Iid, Yasin Cumar iyo Adan oo ka mid ahaa da,yarta ka timid UK oo aad ugu mahadnaqay wasiirada iyo dhamaan reer Somalilandba sidii quruxda badnayd ee ay u soo dhoweeyeen.

Wasaarada ayaa bixisay dhamaan wixii shidaal ah ee ay isticmaalayeen mudadii ay dalka ku sugnaayeen ee ay gobolada dalkana iskaga kala gooshayeen intii ay dalka ku sugnaayeen oo dhamaa 430 Litir oo shidaal ah.   Xafladaasi waxa heeso badan ku soo bandhigay fanaaniinta ay ka midyahiin Shay mire dacar iyo Caabi mire dacar.

Wasiirka Shaqadda iyo arimaha bulshada - Marwo Ilhaan Maxamed Jaamac

 

 

 

 

 

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor - Hargeisa

 

USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE