Hargeysa
(SDWO)- Xubno ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka
Faransiiska, ayaa jawaabtii ugu horreysay ka bixiyey xaalad halis ah oo ay
ku sugan yihiin boqolaal qoys oo degan xaafadda Dhaamka Daami ee magaalada
Hargeysa oo toddobaadkii hore warbaahintu baahisay Gar ahaan SDWO.COM
iyo Wargeyska Jamhuuriya .

Hooyga
dadka danyarta Hargeysa
Dadkaas
oo dhibaatooyinka ugu waaweyn ee haystay ay ka mid tahay suuli ama musqul
la'aan haysata, iyaga oo in ka badan boqol qoys ay wada isticmaalaan hal
musqul, taas oo halis ku ah caafimaadkooda oo ay ka dhallan karaan cuduro,
gaar ahaan xilligan oo ay magaalada Hargeysa ka da'ayaan roobab.
Haddaba,
dhawr qof oo degan dalka Faransiiska, ayaa iyaga oo ka jawaabaya baaqaas
qaylo-dhaanta ah waxay iska soo ururiyeen lacag aan badnayn, balse qiimo
weyn u leh dadka xaafadaas ee dhibtu haysato, taas oo tiradeedu tahay $300
(saddex boqol oo dollar). Waxaana lacagtaas lagu soo hagaajiyey shabakadda
wararka ee SDWO oo ka mid ahayd warbaahintii baahisay dhibtaas.

Midig:
Wakiilka SDWO.COM oo $300 gudoonsiinaya gudida iyadu u kacday la socodka
dadka tabaalaysan
Deeqdan
lacagta ah waxa xubno guddi ah oo ka mid ah xaafadaas guddoonsiiyey
wakiilka shabakada SDWO ee Hargeysa Mr. Shiine Cilmi Kaahin iyo Abwaan
Axmed Aw Geedi oo isagu ka mid ahaa dad isu xilqaamay inay wax ka ogaadaan
xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaas, si ay ugu gudbiyaan bulshada gudo
iyo dibedba ciddii gacan ka geysan karta duruufta adag ee dadka degan
xaafadaasi ku sugan yihiin. Waxaana lacagtaas la rajaynayaa in haddii ay
gaadho loogu dhiso Laba suuli oo ay dadku galaan.

Suuli
Dunsan oo ka dhexeeya in ka badan 100 qof
Geesta kale, waxa iyana lacag $100 ah la guddoonsiiyey qoys
beryahanba waxoogaa caawimooyin loola soo gurmanayey, kadib markii ay
muddo ilaa laba bilood ah ku dhawaaqeen inay carruurtooda u qaybinayaan
dadka joogo awgeed, balse hadda si wanaagsan loo caawiyey markaad u eegto
duruufaha ay ku sugan yihiin dad badan oo kale, kuwaas oo iyaguna degan
xaafadda State House-ka oo qoyskani degan yahay iyo weliba xaafado kale oo
badan.

Hooyada
Caruurta dhashay oo gudoontay $100 oo laga soo diray London
Lacagtaas kooban ee
boqolka dollar ah waxa ku soo caawiyey qoyskan mid ka mid ah jaaliyadda
reer Somaliland ee degan dalka Ingiriiska waxaan soo ururiyay Oday ka mid
ah odayaasha waqooyiga London oo layidha Maxamed Xasan Axamed.
Waxaana iyadana sidoo kale lagu soo hagaajiyey shabakadda wararka ee SDWO.
Waa markii labaad ee jaaliyada waqooyiga London ay reerkan soo
gaadhsiiyaan deeq iyagoo laba todobaad ka horna soo gaadhsiiyey $210.

Muuqaalkii
Caruurtii hooyadood ku dhawaaqday inay dadka u qaybinayso gaajo darteed oo
ishoodu aad u qurxoontahay oo hor taagan sandaqadii loo dhisay oo ilaa
Rinjigii loo dhamaystiray

Muuqaalkii
hore ee caaruurta iyo hooyadood intii aan loo soo gurman ka hor oo daranyo
ka muuqatay
Hase
ahaatee markii lacagtan yar la guddoonsiinayey qoyskan waxa xaafadda State
House-ka ka muuqday dad badan oo macaluul iyo jaago meel ay la tagaan la',
kuwaas oo weriyaha kula soo ururay baahidooda, isla markaana ka dalbay
inuu bulshada gaadhsiiyo dhibta haysta.
Sidaa
daraadeed waxa bulshoweyn la ogaysiinayaa guddo iyo dibad in ay baahi
faraha ka baxday oo halis ahi dadkaas haysto, cidii wax u qaban karta
waqtigan oo weliba lagu jiro bishii Ramadaan ee barakaysnayd oo mid
sadaqada iyo khayrkaba la libinlaabo inay la soo gaadhaan dadkaas oo wax u
soo qabtaan.
Markii
ugu horeysay maaha ee SDWO lagu soo hagaajiyo deeqo loogu talo galay dadka
dhibaataysan tan iyo dabayaqadii bishii August waxa na soo gaadhay lacag
dhan $610.00 oo aan gaadhsiinay dadkii loogu talogalay.
Gebogebadii
hadii aan nahay bahda SDWO.COM waxaan ilaahay uga baryaynaa intii
sadaqooyinkan soo dirtay inuu ugu naxariisto, inteey bixiyeen in ka badan
uu ugu bedelo oo ilaahay maalka u barakeeyo. aamiin.
Ka
qaybqaado taakulaynta dadka tabaalaysan bishan barakaysan ee Ramadaan
nagala soo xidhiidh emailkan: Guled@sdwo.com
Shiine
Cilmi Kaahin SDWO News Desk – Hargeya
sirshiine@yahoo.com