Waxaan u soo Joogay
Wakhtigii Tegay iyo Somaliland dhibaatooyinkii ka dhacay 1982 - 1988
Waa Taariikh aan dib ugu egayno cadaadiskii lagu hayey reer Somaliland ee sababay in dagaal hubaysan lagala hortago taliskii dhiigyo cabkii siyaad bare
Dhacdooyinkaasi waxay iskugu jiraan, qaar murugo leh, qaar naxdin badan, qaar cadho leh iyo qaar qosola.
Please noo soo dir wixii dhacdo ah ee aad goobjoog u ahayd nooguna soo haagji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com
SDWO.COM) Somaliland waxay soo martay taariikh dheer. Laakiin mida in wax laga qoro mudani waa dhibkii ay soo mareen dadka ku dhaqan Somaliland xiliyadii ugu xumaa intii u dhaxaysay 1982 - 1988. Waxa jirta in dadka intooda badani ay u soo joogeen dhib, cadaadis, cabudhis iyo dil lagula kacay iyaga laftooda ama arkay iyadii oo muwaadiniin kale lagula kacayo.
Hadaba waxa anagoo raadinayna sidii taariikh looga reebi lahaa cadaadiskii weynaa ee dadka uu ku hayey taliskii Siyaad Bare idinka codsanaynaa hadii aad haysaan dhib ka mid ah dhibaatooyinkii intii u dhaxaysay 1982 - 1988 inaad halkan noogu soo gudbiso iyadii oo si taxane ah halkan wiig walaba ugu soo bixidoonta. Please noogu soo hagaaji sdwouk@yahoo.com ama webmaster@sdwo.com