|
Somaliland Democracy Watch Organisation
To Promote Democracy in Somaliland Dastuurka Ururka
B - Magaca Ururka Ururka magaciisu waa Somaliland Democracy Watch Organisation (Ururk ilaalinta dimoqraadiyada ee Somaliland gudaheeda)- loona soo gaabiyo (SDWO). T - Hordhac Ururkan Somaliland Democracy Watch Organisation aasaasidiisa ujeedooyinka ka danbeeya ee uu ka dhashay waxa ugu muhiinsan, in la helo lana baro lana dareensiiyo umadeena waxa ay tahay dimoqraadiyadu iyo shuruudaheeda iyo sida loogu dhaqmaba. Isla markaasna la dareensiin lahaa loona tusi lahaa shacbiga wax aay wadanka xaq u leeyahiin iyo xaqa uu wadanku iyaga ku leeyahay amaba guud ahaan xaquuqda wadaniyada, taasi oo lugu gaadhi karo wacyi gelin balaadhan. Isla markaasna tastuurka dalka la gaadhsiiyo lana baro ku dhaqankiisa. Isla markaas ururkani wuxuu qaayb weeyn ka qaadan doonaa u ololaynta sidii aqoonsi loogu heli lahaa Somaliland. Bulshada reer Somaliland waxay soo martay xaalado aad u qalafsan wakhtigii keligii taliskii hore oo u diiday dimoqraadiyad iyo xoriyada qofku leeyahay kuna hayay dil iyo cabudhis xad dhaaf ah,, ka gilgilashadii ay shacbigu ka gilgisheena waxa aay dhalisay in marlabaad Somaliland xornimadeedii aay la soo noqoto, inskastoo naf iyo maal aan la koobi Karin ku baxay. Hadaba si aanay mar danbe u dhicin taasi oo kale shacbigunu helaan wixii aay ka gilgisheen ee ahaa xoriyada qofka iyo dimoqraadiyad buuxda oo waafaqsan diinta islaamka iyo tastuurka dalkaba ayaa ka mid ah ujeedooyinka loo aasaasay ururkan SDWO. J - Xarumaha Ururka
Xarunta koowaad ee ururku waa magaalada London ee dalka ingiriiska, haddii eebe yidhaahdana ururku wuxuu xafiiso ku yeelan doonaa gudaha wadanka oo ay ugu horayn doonto caasimda Somaliland ee Hargeysa. X – Xubnaha Maamulka ee Ururka Xubnaha sare ee maamulka ururka waxay ka koobnaan doonaan:- Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, Xoghaye, Khasnaji Af hayeen. KH - Xubin ka noqoshada ururka Waxa xubin ka noqon kara qof kasta oo aaminsan ujeedooyinka ururka loo aasaasay iyo jiritaanka Somaliland. D - Shaqaalaha UrurkaUrurku wuxuu yeelan doona isuduwe (co-ordinator) kuna shaqayn doona tabaruc (Voluntary) R - Ujeedooyinka Ururka
1. In la dareensiiyo shacbiga ku dhaqanka dimoqraadiyada iydoo isla markaasna aan logu xad gudbeeyn tastuurka dalka u yaal, lana baro xaquuqada qof ahaaneed ee aay dalka ku leeyahiin iyo ka uu dalku ku leeyahayba 2 .In daba gal iyo baadi goobid dheer oo lugu sameeyo dad badan oo si sharci daro ah jeelasha luug taxaabo mudo dheerna ugu jira iyadoon wax maxkamada la horkeenin ama wax denbi ah oo lagu soo oogay jirin taasi oo ka soo horjeeda habaka dimoqraadiya iyo xaquuqda aadamigaba iyo tasuurka somalilandba. 3. In la dareensiiyo duruusna laga siiyo shacbiga waxyaabaha aay ka tabanayaan xukuumada ama aay ahayd in aay xukuumadu qabato sidii aay u soo bandhigi lahaayeen iyadoo waafaqsan habka dimoqraadiyada iyo tastuurka dalka u yaalba. 4. In la dareensiiyo shacbiga lana baro ku dhaqanka tasuurka dalka u yaal iyo ka dhiidhinta haddii aay arkaan cid tasuurka ku xad gudbaysa ha ahaato xukuumada, urur kale ama qof shaqsiyaba iyadoo wacyi gelin laga siindoono sidii iyo habkii aay u muujin lahaaynee iyadii oo waafqsan tastuurka dalka iyo habka dimoqraadiyadaba 5.Tastuurku waa hagaha koowaad ee kala haga dhamaan lamaha dawlada iyo shacbiga ku xad gudubkiisuna wuu reeban yahay, hase yeeshee waxa dhacda in in badan aay xukuumadu si badheedh ah ugu xad gudbto iyo shacbigoo iyguna had iyo jeer ku xad guba tani oo aad odhan karto shacbiga ma badna inta u badheedhaysaa ku xadgudibka tasuurka ee intoooda badan waxay ka tahay aqoon, waana waxyaabah uu urukani ahmiyada gaarka ah saarayo in wax laga qabto. 6. Ujeedooyinka kale ee muhimka ah ee uu ururkani xooga saarayo waxa ka mid ah in uu ururkani u ololeeyo sidii Somaliland ictiraaf buuxa luugu heli lahaa, xidhiidho is dabo joog ahana lala sameeyo dhamaan dawladaha, haayadaha iyo ururada caalamiga ah ee qaabilsan arimaha Somaliland iyo ictiraafkeedaba. Taasi oo uu urukani u gudbiyay una gudbin doono warbixino iyo qoraalo ka tarjumaya taariikhdii somaliland iyo sababaha keenay in aay somaliland dib ugu noqoto xuduudaheedii lixdankii taasi oo sida muuqata aan aduunka qaarkii ka warhayn taariikhdii somaliland iyo wixii dhacayba. 7. SDWO waxa uu si toos ah ugu ololayn doonaa in afti buuxda laga qaado shacbiga iyadoo la marayo sharciyada aduunka u yaal, tani oo noqotay waxyaabaha ugu weeyn ee caqabada ku noqday ictiraafka Somaliland 8. Ururkan SDWO si uu haawlahiisi u fusho waxa uu xidhiidh toos ah la yeelan doonaa ururada caalamiga ah ee ku haawlan hirgelinta dimoqraadiyada, xaquuqada aadamiga iyo u madax banaanida hadalka.. 9. SDWO wuxuu u dhego nugul yahay soona dhoweeynayaa wixii afkaar iyo talo iyo tusaale ah uu shacbiga somaliland ku soo kordhinaayo haddii uu ururku u arko in aay wax manaafacaad ah ku soo kordhinayaan hab socodka uruka. 10. Ururka waxa ka raabeen si toos ahna uu uga soo horjeedaa wax alla wixii khalkhal iyo deganaansho la,aan ku keeni kara jirtaanka, sumcada iyo nabad gelyada Somaliland, waxa kale oo ururku ka soo horjeedaa kana reeban qabyaalada iyo wixii la hal maalaba. Ururkan oo ku dadaali doona sidii uu u sii balaadhin lahaa wada deganaansha, nabad ku wada noolaansha iyo istaageerida iyo wax wada qabsiga umada somaliland. 11. SDWO Waxa uu si cad u taageersan yahay saxaafada xorta ah, taasi uu taageero hiil iyo hooba siin doono. Waxaanu si toosa ah xidhiidh uu ula yeelan doonaa saxaafadda madaxa banaan ee aay ka mid yahiin wargeyskayada dakja gudahiisa iyo dibadiisab uti dhamaan ssaxaafada madaxa banaan. 12. SDWO wax uu yeelan doonaa world wide website oo uu ku soo bandhigo kuna faafiyo waxqabadka ururka iyo waxyaabaha u baahan in wax laga qabto iyo ku wacyi gelinta dimiqoraadiyad shacbi weeynaha somaliland, isla markaan waxa uu yeelan doona email aad ku soo gudbin karto afkaartaada iyo wixii talo iyo tusaale ah ee aad u hayso ururka ee ku saabsan hanaansocodka dimiqoraadiyada. 13. SDWO Waxa uu ku shaqayn doonaa dimiqoraadiyad buuxda, waxaana ka reeban wax alla wixii diinteena muqadiska ahi diidan tahay, taasi oo uu ururkani cadaynayo in wixii diinteenu diidantahay aan logu sheegi karin dimiqoraadiyad iyo wax u dhoowba. S – Habka wax qabadka iyo baraarujinta 1. SDWO waxa uu ka qabanqaabin doonaa dalka gudahiisa barnaamijyo dood wadaag ah oo uu ku kulan siiyo shacbiga Somaliland si aay isku waaydaarsadaan afkaarahooda kala gedisan . 2. Dood wadaagaasi waxuu noqon doonaa kuwo taxane ah oo lugu baraarujiyo shacbiga Somaliland, una sahla sidii iyo habkii aay u soo bandhigi lahaayeen afkaartahooda ku salaysan dimoqraadiyada. 3. SDWO sidoo kale wuxuu barnaamijyadan dood wadaaga ah ka abaabuli doonaa dalalk dibadaha si dadka dibadaha joogaa aay iyana isu dhaafsadaan afkaartooda iyo rayigooda kala duwan ee ku wajahan wax u qabadka dalk iyo dadka Somalilanda. 4. Dood wadaaga ururka waxa ugu horeeyn doona bal in la is weeydiiyo , maxaay Somaliland u baahantahay se maxaynu u qaban karnaa, se waxyaabaha dhamini maxaay u qabsoomi waayeen, se maxaa hortaagan, se sidee iyo habkee ugu haboon baynu wax ugu qaban karnaa. 5.Ururkani su uu hawlahiisa kala duwan u fusho , hawlahiisa inta badani waxay ku jihaaysnaan doonaan wacyi gelin, taasi oo uu adeegsan doono saxaafada xorta ah dalka gudahiisa iyo dibadiisaba.. 6. Barnaamijyada dood wadaaga waxa lugu ururin doonaa ama lugu duubi doonaa hab maqal iyo muuqalba leh si luugu gudbiyo telefishinka hargeysa, isla markaana iyagii oo cajalado ah la heli karo. 7. Ururkani wuxuu xooga saari doonaa dhanka baraarujinta shacbiga, isla markaana wuxuu ururkani uu u hadli doonaa xil gaarana iska saari doonaa dadka shacbiga ah ee sida dhacda mararbadan la iska xidho ama lugu xadgubo xaquuqdooda iyadii oo aan wax debi ah lugu soo oogin amaba wax maxkamad ah la horkeenin tani oo uu ururkani diyaar u yahay in marka aay arin noocaas ahi dhacdo si degdeg ah uga jawaabo, qoraalana u kala diri doono xukuumada iyo dhamaanba ururada caalamiga ah ee ku haawlan wax ka qabadka xuquuqda aadamiga, u madax banaadida hadalka, saxaafada xorta ah iyo hirgelinta dimoqraadiyada. 8. Waxa ururka ka reeban gacan siin uu siiyo urur siyaasi ah ama xukuumada, se wuu taageeri karaa baaq ama wax qabad u dan ah Somaliland guud ahaanteed taasi oo shaciguna taageersan yahay, korna u qaadi karta sumacada, jirtaanka, dhaqaaha, siyaasada iyo arimaha bulshada. 9. Si dimoqraadiyad buuxda loo helo, SDWO wuxuu taageersan yahay soona dhoweeynayaa hanaanka xisbiyo badan oo siyaasi ah, kuwaas oon ku dhisnayn hab qabiil ama gobolaysi. 10. In shacbiga la dareensiiyo lana tuso in hanaanka axsaab badan oo siyaasi ahi uu u keeni karo horumar iyo dimoqraadiyad, haddii si xilkasnimo ah ay axsaabtaasi logu soo doorto oo aay ku yimaadaan, yaa wadanka wax u qaban kara oo wax ku soo kordhin kara, ee aanay ku iman hab qabiil, taasi oo haddii logu soo doorto hab qabiil baaba iyo cawaaqib xumo u keeni karta sumcada, xasiloonida iyo jirtaanka Somaliland ba. SH - Awoodaha Ururka 1. Awoodaha ururka waxa fulin kara xubnaha sare ee maamulka. 3. SDWO waxa si cad iyo si dahsoonba uu uga hortegi doonaa cid alla cidii isku dayda in aay majaro habaabiso himilooyinka ururka iyo wax alla wixii borobogaando ah ee ururka lugula kaco. 4. Xubnaha sare ee ururku waxana way ka bedeli karaan waxana way ku dari karaan qodobada dastuurka ka dib marka cod buuxa logu ansixiyo. |