SDWO (UK 11/08/2010) Dalka Britain oo laga sameeyay goob u dhiganta miyiga Somalida oo dadka somalida ah markii u horeysay u suurtogelinaysa in iyagoon dalka ka dhoofin ay caruutooda geyn karaan miyigan somalida ee laga sameeyay dalkan UK si ay u soo bartaan una arkan dhaqankii somalida iyo sida ay tahay nolasha miyigu. Tafatiraha guud ee SDWO.COM Guled Abdi Sheekhaash ayaa dhowaan booqday goobtan warbixintana inooga soo diyaariyey


Deegaan reer miyi ah oo loo bixiyey Degmo (degmo.org/) ayaa waxa aasaasay nin caan ka ah bulshada Somaliland oo ingiriis ah oo magaciisa la yidhaa Hamish Wilson. Hamish wuxuu ku takhasusay dhaqanka Somalida gaar ahaan dhinaca Somaliland oo mudo ka badan 30 sano uu inta badan dalka ku sugnaa oo u guur galay dhaqanka somalida. Hamish wuxuu inta badan soo maray magaalooyinka, degmooyinka iyo tuulooyinka Somaliland bari ilaa galbeed.


Degmo waxa ay ku taala gobolka Wales ee caasimadiisu tahay Cardif oo ka tirsan UK, Degmo waxa laga heli karaa inta badan dhaqankii somalida, sida dhiilahii, haamahii, lo,dii, adhigii, fardahii, beerahii


Dhinaca kale Hamish waxa uu caruurta siiyaa casharo lagu barayo sida riyaha loo liso, sida caanaha loo lulu oo burcad looga soo saaro, ka dibna subag looga sameeyo, sida adhiga dhogorta looga xiiro, sida mudo saacado ah loo lugeeyo dhulka miyiga ah iyo buuraha, sida habeenkii loo lugeeyo dhulka miyiga ah ee cidlada ah, sida xaabada loo shido ka dibna hilib loogu dubto, sida fardaha loo fuulo, sida loogu noolaan karo dhul madow oo bilaa laydh bilaa faynuus ah, sida buulal yaryar oo laga sameeyay taadhooyin habeenkii madow loogu seexan karo, sida inta buuraha loo baxo midho kala duwan oo la cuno looga soo gurto.


Waxayaabaha kale ee uu casharada ka siiyo waxa ka mid ah farqiga u dheexaya, Geela, Lo,da iyo adhiga, faraqa u dheexeeya caana geela, caanaha lo,da iyo caanaha adhiga, waxa kale oo si cilmiyeysan u baraa caruurta sababta caanaha lo,du subaga u leeyahiin ee aan caanaha geelu lahayn subag laga saari karo. Waxa kale oo uu casharo ka siiyaa sida caanaha geelu isku bedelaan oo ay kolba ku xidhantahay dhirta uu daaaqo, sida loo siiyo carada milixda leh oo hadii la waayana milix caadiya la siiyo, hadii la waayana oo ay badi meesha ka dhowdahayna sida uu geelu uga cabi karo bada, oo aan lo,da iyo adhiguba aanay cabin biyaha bada.


Waxa kale oo uu baraa caruurta sida loo cullo haanta ama dhiisha ka dibna ay suurtogal u noqot in caano ama biyo lagu shuban karo oo aanay sii deynin wixii lagu shubo.

Waxa kale oo uu daawadsiiyaa sawiro badan oo uu ka soo qaaday inta badan dhulka miyiga iyo xeebaha Somaliland isagoo u sharaxa kala duwanaanshaha deeganada kala duwan.

Degmo waxa ay noqotay goob caruur kaste oo la geeyaa ay aad uga soo helaan jeclaystana inay mudo ku noolaadaan oo ay kaga raystaan cidhiidhkii magaalooyinka waaweyn. Miyigan somalida ee loo bixiyey Degmo ayaa durtaba caan ka noqotay dalkan UK iyadii oo aan la iska tegi Karin ee bilo ka hor la sii booking garaysto iyadoo sida uu mulkiilaha Degmo Mr Hamish Wilson uu noo sheegay in Degmo buuxdo laga soo bilaabao April ilaa September oo aanu booking danbe qaadi Karin xiligan xaadirka ah iyadoo wiigii ay sedex group isku bedelaan, iyadoo group kiiba ka koobanyahay 32 qof iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay u hoyan karaan 32 qof.

Waxa kale oo ka dhisan taandho aad u weyn oo u suurto gelinaysa in ay 32 ka qof ba hal mar wada fadhiisan karaan kuna caweyn karana, waxna ku cuni karaan, iyadoo ay yaalaan dhamaan wixii cunto loo baahnaa, sida hilibkii, bariiskii, baastadii, khudradii, shaahii, kofeegii, xawaashkii shaaha oo dhan, sinjibiishii, subagii, daqiiqdii oo laga samaynayo loxooxo, roodhi iyo pizza, shaarabo noocyo kala duwan, caanahii oo hada la soo lisay, qalabkii waxa lagu karsanayey oo iyagu yara casriyaysan oo ay taalo kuukartii gaasta(naqaska ah) ee waxa lagu karsanayey, sidoo kale degmo waxa ay leedahay qasabad caadiya oo biyahu aanay kala go,aynin.

Waxayaabaha ay miyigii kaga yara duwantahay Degmo waa iyadii oo loo sameeyey goobo lagu maydho (showers) oo weliba leh biyo kulul maadama dhulku yahay dhul qaboow, waxa kale oo loo sameeyay suuliyo caadiya.

Guud ahaan Degmo waa dhul aad u quruxbadan oo u dhexeeya afar buurood oo ay ku dhextaalo oo ah dhul wada doog ah oo uu doog ku gadaamanayahay indhahii booqdaana ay aad u jeclaysan karaan jawiga goobta ka jira.














Quducurka habeenkii oo caruurtu ay aad uga heshay

Caruurta oo ka qaybqaadanaysa sida roodhida loo sameeyo










U diyaar garowgii fardo fuulka










































Hamish oo Caruurta Hilib ugu dubaya xaabo uu shiday






Wixii warbixin dheeraad ah la xidhidh degmo adigo ka heli kara website kan: www.degmo.org
Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com