
Hooyo Saynab Jamac Ismaaciil Mataan, waa hooyo la ildaran dhaawacyo iyo jabniin hallis ah oo ka soo gaadhay isha bidix oo gabi ahaanteedba ay jabeen labada Goon ee indhaha bini aadamka ilaaliya, balse ay ishu u badbaaday oo meel cidlo ah iska taallo, ka dib markii gaadhi kula dhacay wadada u dhaxaysa Magaalada Cerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag iyo magaalada Boosaaso.
.
Sidoo kale Hooyo Saynab waxa shilkaas ka soo gaadheen madaxa, iyadoo qoortana iyo daanka hoose labadiisa dhinacba ka jabtay
Dhakhaatiir badan oo loo geeyey Hooyo Saynab, waxba way ka qaban kari waayeen xaalladeeda caafimaad, iyagoo ku taliyey inaan dalka gudihiisa waxba lagaga qaban Karin, oo ay u baahantahay in dalka debediisa loo qaado.
Ehelada iyo qaraabadda Hooyo Saynab oo hada sugan Ceerigaabo, waxay awood u waayeen inay u helaan dhaqaale lagu geeyo dhakhtar dalka debediisa ah oo lagu soo daweeyo.
Hooyo saynab waxay bulshada Soomaaliyeed ee Islaamka ahi meelkasta oo ay joogaan inay hoos u eegaan dhibaatada haysata, oo ay ku eegaan il naxariis leh oo Islaamnimmo, kana taageeraan sidii loogu soo dawayn lahaa dalka debediisa
fadlan kala soo xidhiidh Hooyo Saynab Jaamac Ismaaciil Telefoonadda Hoose ku Qoran
Tell: 00252-5-689008 (Mobile)
Tell:00252-2-4205219 (Mobile)