SM
SDWO

Somaliland Democracy Watch Organisation

To Promote Democracy In Somaliland


Contact us

Wacdarihii  ka Dhacay Garoomadda Koonfur Afrika ee Ciyaaraha aduunka

Garsoore reer England Oo Loo Magacaabay Dhex Dhexaadinta Ciyaarta Finaalka Spain iyo Holland ee Koobka Aduunka

 

Your Banner

BARR AMA BARRO TAARIIKHDII CADAADISKII SHACBIGA SOMALILAND     

 

 

Hargiesa 2007

British P.Minster

Welcome Party

Hargeisa Univ

Hargiesa 2006

S/Land-Aljezera

BERN,Xidhiidhka Kubada Cagta ee Aduunka ee FIFA ayaa u doortay dhex dhexaadinta kulanka kama danbeesta ah ee koobka Aduunyada garsooraha u dhashay Wadanka Ingriiska ee lagu magacaabo Howard Webb.


Photo:Dream team: Howard Webb (centre) and assistants Michael Mullarkey (left), Darren Cann (right) will take charge of Sunday's World Cup final]

38-jirkaasi ayaa qaban doono kulanka adag ee maalinta Axad ah dhex mari doono labada wadan ee Spain iyo Holland kaasi oo ka dhici doono garoon weyn ee lagu magacaabo Soccer City Stadium ee magaalada Johannesburg ee Wadankaasi South Africa.

Webb ayaa ka mid ah xiligaan garsoorayaasha ugu adag ee caalamka laguna aamini karo ciyaaraha adag wuxuuna sidoo kale sanadkan dhex dhexaadiya kulankii finaalka Champion league ee dhex maray Kooxaha Inter iyo Bayern Munich ee ka dhacay magaalada Madrid.

Howard Webb ayaa noqonaya Garsoorihii ugu Horeeyay ee Wadanka England ka socda ee dhex dhexaadiyo ciyaar finaalka koobka aduunka Kadib Jack Taylor oo isagu qabtay sanadkii 1974 .

Garsoore Webb ayaa Hore waxa uu u soo dhex dhexaadiyay 3 kulan oo ka tirsan koobka aduunka ee sanadkaan kuwaasi oo kala ahaa (Spain v Switzerland, Italy v Slovakia and Brazil v Chile) oo uu dhamaan si degan u garsooray.

Dhanke kale Garsoorahaan ayaa waxa uu sidoo kale soo dhex dhexaadiyay ilaa iyo 300 Premier League games, iyo weliba 48 kulan oo ka tirsan tartamada kala duwan ee qaarada yurub.

Shiine Cilmi Kaahin - Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

 

 

 

Xulka Spain Oo Caawa Finalka Koobka Aduunka u Soo Baxay iyo Germany oo diyaaradda la saaray

SDWO (DURBAN, South Africa 07/07/2010)  Xulka Kubada Cagta ee Dalka  Spain  ayaa Caawa markii ugu horreysay u soo baxay  Finalka Koobka  Aduunka ee ka Socoda Dalka South Africa,Spain ayaa 1-0 kaga badisay Germany ciyaartoodii Semi Finalka ee koobka aduunka.

Xiddiga Puyol ayaa ahaa geesigii ciyaarta isagoo gool qurxux badan oo madaxa ku dhaliyay goolka qudha ee Spain guusha ku raacday daqiiqadi 73-aad ee qeybta labaad ee ciyaarta.

Xulka Germany waxay isku dayday inay keento goolkaasi, hase yeeshee way u suurtoobi weyday.

Qaranka Germany ayaa loo diray gurigooda kadib markii ay guulo waaweyn kasoo gaadhay wadamada Argentina iyo England.

Spain ayaa ah Horiyaalka yurub kadib markii ay ku guuleesteen koobka qaramada yurub 2 sano ka hor, hadana waxa ay doonayaan inay noqdaan Horiyaalka aduunka waxaana taas ka hortaagan Holland oo ciyaar kala bax ah ay dhex mari doonto labada Xulba 11-ka July 2010.

Markii ugu horeysay ee Spain ay ciyaaraha Adduunka meel fiican ka soo gaadho, waxay ahayd 1950-kii, markaasoo lagu reebay Semifinalka.

By : Shiine Cilmi Kaahin – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com  

 

 

Holland 32 Sano ka dib U Gudubtay final-ka Ciyaaraha Koobka Aduunka ee Ka Socoda Dalka South Africa

 

SDWO (CAPE TOWN, South Africa, 06/07/2010)  Xulka qaranka ee Netherlands ayaa Caawa u soo baxay ciyaarta final-ka ee koobka aduunka 2010-ka ee ka socda dalka South Africa iyagoo 3 iyo 2 uga guuleystay xulka qaranka ee Uruguay ciyaartii samifinaalka ee caawa ka dhacday magaalada Cape Town.

Goolkii ugu horeeyey oo uu ansixiyey Giovanni van Bronckhorst ayaa dhashay daqiiqadii 18-naad, iyadoo uu masaafo fog ka toogtay shabaga Uruguay.


Diego Forlan ayaa goolkii barbardhaca u dhaliyey Xulkiisa Uruguay daqiiqadii 41-aad laakiin Holland oo dib isku soo xoojiyey ayaa keenay gool 2aad iyadoo uu ansixiyey Xiddiga Wesley Sneider, daqiiqadii 25naad ee qeybtii dambe ee ciyaarta.


Saddex daqiiqo ka dib ayaa laacibka Arjen Robben waxa Gool qurxud badan uu madax ku dhaliyey goolkii 3aad oo ay ciyaarta markaa ku hogaaminayeen 3 iyo 1.

Maximiliano Pereira oo u ciyaara Uruguay ayaa gool 2aad u dhaliyey kooxdisa oo rajo ay markaa soo yara gashay.

Laakiin weerar badan oo ay sameeyeen Uruguay uma suurtagelin, iyadoo kooxda Oranje ee Holland ay difaac xoog leh galeen iyadoo sidaana ciyaarta ay ku dhamaatay.

Netherlands ayaa sidaa ugu soo baxday Final Koobka Adduunka iyadoo Axada Todobaadka Danbe la ciyaari doonta hadba kooxdii badisa kooxaha Spain iyo Germany oo beri wada ciyaari doona.

Taarikhada Wadanka Holland ee Ciyaaraha Adduunka ayaa hada  ah markii 3aad u soo baxday, iyadoo 2 jeer oo hore u soo baxday, waxay sanadkii 1974-kii la ciyaartay Germany oo reebay iyo sanadkii 1978-kii oo ay la ciyaartay Argentina.

By : Shiine Cilmi Kaahin – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Edito

 

 

 

 

Xulka kubada cagta ee jarmalka Oo Galabta Kabaha La Dulmaray Xulkii Taageerayaasha Badnaa ee Argentina

SDWO (JOHANNESBURG 03/07/2010) - Xulka kubada cagta ee Jarmalka ayaa Galabta afka ciida u geliyay xulka Kuabda Cagta ee dalka Argentina oo sanadkan u soo xaman qadtay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen koobka aduunka ee baryahanba si xiiso badan uga socday  Koonfur Afrika.

 

 

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa daqiiqadii 2 – aad gool qurux badan laga dhaliyay Xulka Argentina hase yeeshee dadaal dheeraad ah markay la yimaadaan Argentina waxay isku dayday inaay iska soo magaan balse way loodin kari waayeen difaacii Xulka Germany, qeybii hore ee Ciyaarta waxa lagu kala nastay 1 – 0 ay ku hogaaminayso Xulka Germany.

Markii la isu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayaa Germany waxay difaacanaysay goolkooda waxana mudo 20 daqiiqo ah Germany ay iska difaacaysay weerarada Argentina hase yeeshee wixii daqiiqadii 68 – aad waxaa Argentina la waayey meel aay jaan iyo cidhib dhigeen.

Isla qaybtii danbe Goolasha waa ay iska sii wadeen Tababaraha Xulka Argentina Maradona ciyaarta waxba kama badalin oo sidii ay kusoo galeen ayaa Aguero uun uu dib kasoo galiyey waxaana masuuliyada guuldarada yeelan kara tababarahooda oo kursiga keydka ku haya ciyaaryahano cajiib ah kuna fiican gool dhalinta.

 

Gaba gabadii ayaa sedex gool oo Xidhiidha ah laga dhaliyey Xulka Argentina oo sidaasi lagu quusiyey lana marsiiyey wadadii ay mareen Xulalkii England iyo Brazil waxaana ay kusoo idlaatay 4 – 0 .ay Guushu ku raacday Xulka Germany.

 

Goolasha waxaa kala dhaliyey goolkii hore Müller, laba gool Klose, halka goolka afraad uu dhaliyey difaaca A. Friedrich.

 

Ciyaartan oo ay daawashadeeda ka soo qayb galeen taageerayaal aad u tiro badan oo kala socday labadan dal ayaa waxa iyaduna ay daawanaysay ra’isal wasaaraha dalka Jarmalka Miss. Angela oo iyaduna intii hore wadnaha farta ku haysay, balse markii dambe ee ay aragtay in xulka dalkeeduu uu awood badan yahay kolba sare uga kacaysay kursigii ay ku fadhiday.

 

2010 FIFA World Cup™: Quarter-finals

 Argentina 0 : 4 Germany  - Highlights

 Uruguay 1 (4) : 1 (2) Ghana  - Highlights

 Netherlands 2 : 1 Brazil  - Highlights

 Paraguay 0- 1 Spain 

 

La Soco Ciyaaraha Danbe ee Koobka Adduunka…

 

Shiine Cilmi Kaahin – Hargeysa

Sirshiine@yahoo.com

 

 

Xiddigaha Holland oo Dhulka jiiday Brazil Oo Markii Lixaad isku Diyaarisay Koobka Adduunka iyo Rajadii Africa ee Semi-finalka Oo dhammaatay

 

PORT ELIZABETH, South Africa (AP)— Xulka kubada cagta Holland ayaa galabta dhulka dhigay  xulka kubada cagta Brazil oo ay iyagu sanadkii lixaad u tartamayay hanashada koobka aduunka.

Labada Xul oo ku kulmay Wareega sideedaad ayaa ciyaar  aad u xiiso badani ay ku dhex martay garoonka kubada cagta ee Soccer City Stadium, oo ku yaala magaalada  PORT ELIZABETH ee dalka South Africa.

 

Xiddiga Wesley Sneijder oo laba gool ka dhaliyey Xulka Brazil ayaa hadh cad  oo Cadeedu soo jeedo ka  huleeley dalka South Afrika.

 

Xulka Brazil waxay soo bandhigeen 45 – tii daqiiqo ee ugu horeyay ciyaar dadkii daawanayey ay ku saadaliyeen inayba iyada ku badin doonto goolal tiro badan, hase yeeshee waxay heleen gool qudha kaasoo u dhaliyey daqiiqadii 10 – aad Xiddiga reer Manchester City ee Robinho.

 

Holland ayaa si wanaagsan isaga difaacday qeybtii hore ee ciyaarta weerarada Xulka Brazil waxayna mar waliba isku dayayeen inaay weerar qaadaan hase yeeshee inaay difaacaan goolkooda iyo inaay weerar qaadaan iskuma aysan keenin oo 45 – tii daqiiqo ee hore waxay kusoo idlaatay 1 – 0.

 

Tababarayaasha iyo kaaliyeyaashooda markii ay ulaabteen oo koox waliba ay lasoo hadashay ciyaartooydooda ayaa garsoorihii wuxuu mar kale isugu yeedhay qaybtii danbe ee ciyaarta waxaana durba min biloow ilaa dhamaad hogaanka iyo ciyaartaba la wareegay Xulka Holland.

 

Kubbad uusoo karoosay Xiddiga Sneijder ayaa madaxa ku taabtay ciyaaryahan Melo kaasoo goolhayihiina la waayey gacanta shabagana gashay ciyaarta ayaa noqotay 1 – 1, daqiiqadii 63 – aad ayaa misana Robben oo karoos ka soo qaaday koonaha waxa madaxa kusii salaxay Kuyt, waxaase ka faa’ideystay Markale Sneijder oo madaxa ku dhaliyey goolkoodii labaad ee guusha.

 

Xiddiga reer Holland ee Arjen Robben ayay Xiddiga Brazil iska celin kari waayen oo waxaa kaarka Cas ku qaatay oo si aan ciyaarta ku jirin ula dhaqmay ciyaaryahan Fillipo Melo oo Kooxda Juventus u ciyaara.

 

Kubbad kastaa oo Robbin lugta usoo gashaa dhulka ayaa la dhigayay waxaana isku badashay laba ciyaaryahan hase yeeshee inta ay ku  mashquulsanayeen Robbin waxa ka faa’ideeystay Mashiinka Holland  ee Sneijder.

 

Haddaba Ciyaarta ayaa ku  dhamaadtay 2-1 ay guushu ku raacday Xiddigaha reer Holland.

Holland waxay u gudubtay Semi-Finalka waxayna  la Ciyaari doonta Uruguay.

Geesta kale Ciyaar Xulalka Ghana iyo Uruguay waxay ahayd tii ugu xiisaha badneyd tan iyo intii ay bilowdeen ciyaaraha koobka Adduunka.

 

Goolka waxaa ku hormartay Xulka Ghana qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana u dhaliyay Xiddiga Sulley Montari.

 

Hase yeeshee Waxaa Xulka Chana la bareejeeyay qeybtii labaad ee ciyaarta. waqtigii caadiga ahaa ee 90-ka daqiiqo labada dhinac wey ismari waayeen. laakiin Ghana ayaa qarka u saarantay inay u soo baxdo ciyaarta semifanalka ka dib markii rigoore laga dhigay Uruguay.

 

Balse Ghana way ka faa'ideysan weyday ka dib markii uu Gyan oo laaday rigooraha uu birta sare ku dhuftay.

 

 

Rigoorihii caadiga ahaa ee lagu kala baxayeyna Ghana waxaa laga qabtay labo gool, Uruguay mid ayay khasaarisay inta kalena way dhalisay sidaasi ayayna ku badisay. Ciyaar wanaaga marka la eego Ghana ayaa hogaanka u heysay.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin – Hargeysa

sirshiin@yahoo.com 

 

 

 

Germany Oo Sii Sabootiday Ingiriiska Iyo Argentina oo Macasalaamaysay
Mexico kuna fool leh Germany

 

BLOEMFONTEIN, South Africa- Tababare Fabio Capello iyo ciyaartooydiisa wax matarayaasha ah ayaa ka Dhoofi doona beri dalka South Afrika ka dib markii ay Caawa ku guuldaraysteen xitaa inaay ciyaar wanaagsan soo bandhigaan waxaana ciyaartii maanta ay Germany la ciyaareen ka raacay Jab iyo ceeb.

 

Wayn Rooney iyo saaxiibadiis kula jira Xulka Ingiriiska ayaanan soo bandhigan ciyaar lagu qanco iyadoo Rooney oo ah xidig ay ku dhaartaan dalkaasi uusan xitaa mar qura sigin goolka ciyaarihii uu saftay xulkiisa wuxuuna ka tagi doonaa Koonfur Afrika isagoo gool la’aan ah.


Germany ayaa laba gool oo Xidhiidha ah kaga hormartay xidigaha Ingiriiska daqiiqadihii 24 – aad iyo 30 – aad waxaana goolasha ukala dhaliyey Germany Ciyaarayahanada kala ah Klose iyo L. Podolski, dadaal yar oo ay sameeyeen Ingiriiska ayaa keensaday gool kaasoo uu udhaliyey ciyaaryahanka daafaca ugu ciyaara ee Upset.


 
Ingiriiska waxaa laga diiday kubad uu laaday ciyaaryahan Lampard aasoo shuudkii uu ganay birta ku dhacday goolkana gashay hase yeeshee dib ugu soo baxday taasoo garsooraha arki kari waayey ciyaartiina dib
isaga socotay.

Markii dib la isugu soo laabtay ayaa markale ingiriiska laga dhaliyey laba gool oo kale ka dib markii ay isku dayeen xulka Ingiriiska inaay goolal dhaliyaan waxaana laga faa’ideysanayey weeraradooda waxaana
gabi ahaan laga haystay qeybta dhexe.


Goolasha 3 – aad iyo 4 – aad waxaa kawada dhaliyey T. Müller oo lambarka 13 –aad u sita xulka Germany, sidaasina waxaay kusii joogi doonaan Johannesburg waxayna la ciyaari doonaan Argentina.

Xulka Ingiriiska oo ciyaaray ilaa Afar kulan ayaa laba barbaro galay halna badiyey halna laga badiyey iyadoo sidii laga filayey aanan soo bandhigin waxaana cad in Fabio Capello uu iska casili doono xilka uu hayo maadaama u ku guuldaraystay in gaadhsiiyo meel Fiican.

Geesta kale Xulka Argentina ayaa dhagaha ka tuntay Xulka Kubadda Cagta ee Mexico oo kasoo jeeda qaarada Amerika, taasoo ku kalifaysa inaay saaxiibadood Mareykanka ee shalay laga badiyey ay iska sii weheshadaan
saacadaha badan ee safarkooda ay diyaaradooda hawada kusii jiri doonto.

Argentina ayaa laba gool ka dhalisay qeybtii hore ciyaarta waxaana goolasha kakala dhaliyey daqiiqadihii 26 – aad iyo 33 – aad Teves iyo Higuain iyadoo goolkii hore uu shaki galiyey taageerayaasha Mexico ka gadaal markii Teves oo offside ku jira uu madaxa ku dhaliyey.


Si kastaba ha ahaatee Tevez ayaa markale usadaxeeyey xulkiisa gool aad uqurux badnaa kaasoo uu kalaaday meel 30 mitir u jirta goolka darbadiisuna ahayd mid xoog badan oo ka dul baxday goolhayaha.

Manager ka Argentina = Maradona


 
Mexico oo dadaal yar samaysay ayaa heshay goolkoodii ugu horeeyey waxaana u saxiixay ciyaaryahanka ay Manchester United soo calmatay ee J. Hernandez kaasoo baryahanba goolal u dhalinayay Xulkiisa.

Diego Armanda Maradona ayaa badal kusoo galiyey ciyaaryahankiisa qibrada badan leh ee Veron isagoo ku badalay Tevez si uu u caawiyo Messi iyo Macherano oo dhexda ka ciyaarayay una difaacaan sedexda
gool.
Daqiiqadii ugu danbaysay ayaa L. Messi ciyaaryahanka qatarta ah reer Argentina waxa uu laad kulul ku tuuray goolka Mexico hase yeeshee goolhayaha Khabiirka ah ee Mexico ka diiday inuu gool afraad ka dasho.

Argentina ayaa Mexico ku macasalaamaysay 3 – 1 iyadoo kulankan kan xiga ay is arki doonaan Germany oo aan dab yar shidayn balse ay ciyaartaasi noqon doonto mid si weyn la isu weeraro maadama labada xul
ay hayaan ciyaaryahano gool dhalinta ku wanaagsan.

2010 FIFA World Cup™: Round of 16
Argentina 3 : 1 Mexico - Highlights
Germany 4 : 1 England - Highlights
United States 1 : 2 Ghana - Highlights
Uruguay 2 : 1 South Korea - Highlights

Upcoming matches

Netherlands vs. Slovakia - 28 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on BBC1
Brazil vs. Chile - 28 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on ITV1
Paraguay vs. Japan - 29 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on ITV1
Spain vs. Portugal - 29 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on BBC1

FIFA.com - Schedule - Standings - England Overview


Sir Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk -Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

 

 

Brazil iyo Portugal Oo Isku Barbar dhacay, Soona Wada Baxay iyo Ivory
Coust oo 3 iyo Ku Jiidhay North Korea laakiinse Hadhay

 

Garoonka Durbon Studium ee magaalada Durbon ayaa waxaa ka dhacday
ciyaar aad loo wada sugayay oo lagu tilmaamay inay tahay mid ah
ciyaaraha ugu fiican koobka aduunka, isla markaana waxay ahayd ciyaar
aad u adag, ciyartan waxa isaga hor yimid xulalka Brazil iyo Portugal.

Xulka Brazil oo lagu yaqaani ciyaar wanaag isla markaana ah xul aan ka
maqnaani ciyaaraha koobka aduunka tan iyo intii la aasaasay koobka,
waxayna ku guulaysteen shan koob, mana jirto koox la mid ah dhanka
koob qaadista xitaa koox u soo dhaw ma jirto.

Xulka Portugal ayaa iyagana lagu yaqaanaa inay yihin xul aad u culus
oo ka mid xulalka ugu waaweyn Adduunka.

Labada Xul waxay ciyaarta ku soo galeen qaab taxadar badan uu ka
muuqdo gaar ahaan Xulka Brazil ayaa waxay u ciyaaraysay qaab ay ku
qanacsan tahay inay gasho barbar dhac oo waxay iska ilaalinaysay
kaliya in gool laga dhaliyo, tababaraha xulka brazil Dunga ayaa waxaa
uu ka fadhiisiyay ciyaarta inta badan ciyaaryahana ku caanka ah
weerarka sida Robinho, iyo Elano.

Ciyaarta ayaa waxaa ku badnaa kaadhadhka Yellowga oo dignino badan
ayaa la bixiyay waxaana labada dhinacba ay sameeyen fursado badan oo
goolal lagu dhalin karay hase yeeshee way u suuroobi waysay inay gool
dhaliyaanlabada kooxba.

waxay ciyaarta ku dhamaatay gool la'aan oo barbar dhac ayay isla
jeclaadeen, taas oo labada dhinac badan weyn ugu jirtay gaar ahaan
Brazil oo ku soo baxaysay 7 dhibic isla markaana kaalinta koowaad ee
Groupkan waxaana ay ku dhici doontaa kooxda klalainta 2aad ku soo
baxda ee Groupka H. Halka Portugal ay sugayso kooxda kalainta koowaad
ku soo baxda group H ka dib markii ay shan dhibcood ku soo baxday.

Dhanka kale waxaa ciyaar aad u qiimo badan ay dhex martay xulka Ivory
Coust iyo Koria DPR ama North Koria ,waxaana ay ahayd ciyaar aad ugu
muhiimsan xulka Ivory Coust inakstoo ay hadhay hase ahaatee waa kooxda
kaliya ee afrika ka socotay oo seddex gool iyo waxba ku badisaa.

Daqiiqaddii 14aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Yaya Toure uu u
xaqiijiyay goolkii 1aad ee kooxdiisa halka 6 daqiiqao ka dib uun uu
ciyaaryahan Normic uiu goolka labaad dhaliyay, waxaana ciyaarta oo
gacan sarayn badani ay ka muuqatay xulka Afrikaanka ah ayaa waxay ku
dhamatay qaybtii koowaad 2 iyo waxba oo Ivory Coust ku hogaaminayso.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa la isku soo noqday, waxaana sii laba
jibaarmay dardartii Afrikaanka iyagoo maanka kuhayay inay u baahan
yihiin inay gooolal badna ku badiyaan si ay ugu suurowdo inay ku soo
baxaan, hase yeeshee waxba may reeban inkastoo ay hadana natiijada
barbar dhaca ee xulalka Brazil iyo Portugal ay la jiifatay.

Daqiiqaddii 87aad ee ciyaarta ayaa waxa S. Kalou u hirgeliyay gool aad
u qurux badan oo Ivroy Coust uu u dhaliyay goolkaas ciyaarta waxaa uu
ka dhigay 3-0 oo ay ku dardareen kuuriyaankii.

Inkastoo ay Ivory Coust hareen ayaa hadana waxay la guryo noqdeen
afardhibcood iyo sharaf ay ku hareen, waxayna cadeeyeen inaysan sahal
u ahayn sida saaxibadoda qaabka xun ku haray ee afrikaanka ahaa.

Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk – Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

 

Japan oo Kabaha la Dulmartay Denmark iyo Holland Oo U Quusgoysay Xulka Cameron, Talyaaniga Oo jidmar laga sii dhigtay Tareenka ka Hadhay Xili ay heysato Koobka Aduunka‏

RUSTENBURG, Xulka dalka Japan oo ciyaar xiiso badan kula kulmay dhigiisa dalka Denmark ayaa waxaa isku fara saareen garoonka Royal Bafokeng Stadium ee magaalada Rustenburg dalkaasi koonfur afrika.


 
Ciyaarta ayaa waxa dardar aad u heer saraysa ku soo galay labada xul hase aheetee waxaa gacan saraynta lahaa xulka japan oo isku soo daarsaday inay dhibcaha seddexda ah ka fara maroojistaan Danishka. Dardartii Japan waxay daqiiqaddii 17aad dhashay gool uu u saxeexay ciyaaryahnkooda K. Honda, goolkaas waxaa uu sii alab jibaaray xamaasadda ciyaarta oo labada dhinac ay sii xoojiyeen hardankii ay ugu
jireen hanashada guusha.

Danashika oo fursado badan aan samaynin ayaa waxaa ay u fududeeyeen Japan inay in badan kula dhawaadaan kubadda goolhayaha Denmark taasna waxay dhashay inay helaan laad xor ah oo loo dhigay meel ka dadban goolkii Denmark.

Ciyaarhanka da'da yar ee reer Japan laguna magacabo Enda ayaa waxaa uu si toos ah ugu hubsaday kubaddi shabaqa Denmark ciyaartiina waxay noqotay laba iyo waxba oo Japan ay calanka ku hayso. Arintaasi waxay is bedeshay markii uu garsoorihii xisaabsaday gool ku laad ay heleen Denmark taas oo uu ciyaaryahanka khabiirka ah ee lagu magacaabo Thomsan uu ku laaday goolhayaha Japan hase ahaatee waxuu ku qasbanaaday inuu mar labaad ku celiyo ka dib markii uu soo tufay gool hayahihii sidaasina ciyaartu ku noqotay laba iyo hal.

Japan waxay badal u keeneen ciyaarayan khabiir ah oo 2002 ka ciyaarayay koobka aduunka waxaana daqaaqado ka dib bedelkaasi ay
heleen gool kale oo aad u qurux badnaan oo uu dhalyay Gawazaki hase ahaatee uu si fiican u so o xardhay ciyaaryahan Honda oo ciyaarta si weyn uga dhex muuqday sidaasina ay ciyaartii ku soo idlaatay waxana halkaasi ku haray Denmark oo lagu tuntay Japana na waxay u gudubtay wareega labaad.

Dhanka kale garoonka Green Point Stadium ee magaalada Cape Town waxaa ka dhacday ciyaar aan aad u xiisa badnayn oo dhex maraysay Holand iyo Cameron sababta ay ciyaartu u xiisa badnayn ayaa ahayd iyadoo Holand ay hubsadatay ciyaartan ka hor inay u soo baxday wareega 2aad iyo iyadoo la xaqiijiyay Cameron inay macsalaamaysay koobkan oo labada ciyaar ee hore ee laga badiyay ay ka dhigtay rajadeeda dukum daakum.

Ciyaarta waxa Van Persie oo reer Netherland (HOLAND) ah uu u saxiixay goolkiisa ugu horeeyay waxaana gool ku laad helay Eto'o oo dhaliyay ciyaartana bareejo ama barbardhac ka dhigay. hase yeeshee ciyaaryahanka AC MIlan u ciyaara ee HUntlaar ayaa goolka
guusha dhaliyay oo rajadii sharaf dhowrka ee Cameron dhulka ku daray waxayna sidaasi Holand ugu soo baxaysaa wareega labaad iyadoo 9 dhibic wadata sida Argentine. 


Xulka heysta horyaalnimada koobka Aduunka ee Italy ayaa jid mar laga sii dhigtay ka dib markii 3 – 2 looga awood badiyey iyadoo xitaa quus ka joogtay inaayba sii ciyaaraan maadaama aysan la imaan wax dhaqdhaqaaq ah oo ay isaga celin karto xulalka ugu adag.


 
Jab iyo ceeb baa ka raacday Marcelo Lippi iyo ciyaartooydiisa iyadoo Italy lagu yiqiin difaaca adag ayaa noqotay xul iska jilicsan
difaacyadiisa oo si sahal ah goolal looga dhalin karo.

Daqiiqadii 25 – aad ee qeybtii hore ayaa R. Vittek oo weerarka ugu ciyaara Slovakia shabaqa ku hubsaday gool darbad xoog badan ku riday wuxuuna qeybtii danbe isla ciyaaryahankaan daqiiqadii 73 – aad mar kale ulabeeyey xulka Talyaaniga oo daciifnimo sannadkaani ka muuqatay.

A.D. Natale ciyaaryahanka lambarka 10 – aad u sita Talyaaniga ayaa raganimo isk dayay oo goolkoodii koowaad u keenay hase yeeshee waxaa usadaxeeyey xulkiisa ciyaaryahan K. Kopunek ka dib markii foore gacan lasoo tuuray uu meel cidla ah oo aan difaac joogin goolhaya ka kor qaaday.

Daqiiqadii 92 – aad ayaa F. Quagliarella oo reer Talyaani ah wuxu markiisa ka dul qaaday goolahayaha waxaana ciyaarta ka harsanayd 2 daqiiqo oo qura waxayna Talyaaniga heleen fursadii u danbaysay waxaana ka qasaariyey ciyaaryahan Pepe kaasoo aan ufiirsan halka uu ku laadayo oo diba usaaray.

Si kastaba ha ahaatee Talyaangia waxa uu u baahnaa inuu markii sedexaad barbaro helo laakin waa loo diiday inuuba xita barbardhac
helo sidaasina waxay isaga xaadirin doonaan magaalada Roma oo ay ku sugayaan eheladooda si ay fasaxa ula qaataan maadama hawshii sannadka ay soo ciyarayeen ay ugu nastaan.

Guruubkaan oo ay kuwada jiraan Paraguay, Slovakia, New Zealand iyo Talyaaniga ayaa waxaa kaalinta koowaad kusoo baxay Paraguay halka Slovakia labaad kusoo baxday.

Ciyaartii kale oo ay wada ciyaarayeen Paraguay iyo New Zealand ayaa barbaro 0 – 0 kusoo dhamaatay, Talyaaniga oo haysta horyaalnimada koobka Aduunka ayaa caro iyo oohin kala dheelmaday Garoonka Ellis Park Stadium, ee magaalada Johannesburg iyadoo marna xitaa aan u qalmin inaay badiso.

2010 FIFA World Cup™: Latest Matches
Denmark 1 : 3 Japan - Highlights
Cameroon 1 : 2 Netherlands - Highlights
Slovakia 3 : 2 Italy - Highlights
Paraguay 0 : 0 New Zealand - Highlights

Ciyaaraha Bari Dhacaya:

North Korea vs. Côte d’Ivoire - 25 Jun 3:00pm (United Kingdom Time)
Portugal vs. Brazil - 25 Jun 3:00pm (United Kingdom Time)
Chile vs. Spain - 25 Jun 7:30pm (United Kingdom Time)
Switzerland vs. Honduras - 25 Jun 7:30pm (United Kingdom Time)

Sir Shiine Cilmi Kaahin – SDWO News Desk - Hargeysa
sirshiine@yahoo.com

 

 

 

Algeria Oo Ka Hadhay Ciyaaraha Aduunka iyo Germany, Ghana, England iyo USA Oo usoo Baxay 16-ka, Serbia iyo Australia oo caawa ka duuli doona Koonfur Afrika

 

 

Hargeisa(SDWO)– Natiijada ciyaartii Caawa Dhacay, wadamada Maraykanka Iyo Algeria ayaa soo gabagabaysay rajadii Algeria ay ka qabtay inay u gudubto wareega labaad ee koobka aduunka kadib markii 1-0 Maraykanku kaga adkaaday Algeria.

 

Goolka uu ku reeyay Maraykanku ayaa ahaa mid dhashay wakhti aad looga naxo oo ahayd, daqiiqadihii lagu daray ciyaarta kadib markii labada xul ay 90 daqiiqo 0-0 isla dhaafi waayeen. Goolkan oo aad uga nixiya taageerayaasha Algeria sidoo kalana farax iyo damashaad ku abuuray taageerayaasha Maraykanka ah oo uu ugu horeeyo Madaxwaynihii hore ee Maraykanka Bil Clinton.

 

Sida la sheegay joogitaanka Clinton ayaa dhiiri galisay ciyaartoyda Maraykanka oo muujiyay dadaal  dheeraad ah. Hase ahaatee gool hayaha Algeria Raid Ouheb M'bolhi ayaa in badan ka xaaraantimeeyay inay kubadan Maraykan gasho shabaqiisa. Laakiinse taasi kuma waarin goolhaye Raid Ouheb M'bolhi, ee daqiiqadii 90+2 ayaa ugu danbayn kubada gashay shabaqiisa.

 

Ciyaartoyga Maraykan ee Dempsey ayaa isagu isku dayo badan sameeyay, kuna guulaysatay inuu kubada shabaqa Algeria galiyo, hase ahaatee eegista calanwadaha ayaa aad uga nixisay Dempsey markii goolkiisii loo calaamadayay mid aan waxba ka jirin, off-side-na uu ka noqday.

 

 

Germany iyo Ghana oo usoo gudbay Garuub 16-ka, Serbia iyo Australia oo caawa ka duuli doona Koonfur Afrika.

 

Xulka Ghana ayaa noqotay kooxda kaliya ee Afrikaan ah oo usoo baxda Garuubka 16-ka iyadoo maantana laga badiyey balse hore ayay 4 dhibcood u uruursatay taana waxay ku kasbatay inaay gaarto tartankaan qeybihiisa kale.

 

Xulka Germany iyo Ghana oo maanta wada ciyaaray ayaa Ghana guul daro aan waxba ka dhibin looga badiyey 1 – 0 taasoo usahlaysa inaay gaadho kulamada loo yaqaan Knock Out ama 16-ka.

Xulka Germany Goolka kaliya ay ku badiyeen waxaa u dhaliyey laacibkooda lambarka 8 - aad M. Özil  kaasoo darbad kulul ka tuuray meel 20 mitir goolka u jirta shabaqana ku hubsaday.

 

Guruubkaan oo ay kuwada jiraan Germany, Ghana, Australia iyo Serbia oo dhamaantood maanta isku saacad wada ciyaaray ayaa kulamadooda waxaa kala badiyey labadii kulan Australia iyo Germany.

 

Germany guusheeda waxay u horseeday inaay kaalinta koowaad ku hogaamiso hase yeeshee Australia iyadu guusheeda micno ma samaynayn waayo waxaa looga baahnaa inaay ku adkaato ugu yaraan 4 – 0, maadaama hore looga soo adkaaday isla natiijada laga doonayo.

 

Xulalka ayaa waxay kala galeen sidaan:

 

Germany waxay dhalisay  5 – gool midna waa laga dhaliyey dhibco ahaana waxay leedahay 6.

 

Ghana waxay dhalisay 2 – gool 2 – iyada aya laga dhaliyey 4 – Dhibcoodna waay heshay.

 

Australia waxay dhalisay 3 – Gool, 6 – iyada ayaa laga dhaliyey 3 – gool oo deyn baa lagu leeyahay waana tan keentay inaay Ghana soo baxdo waxayna dhibco ahaan keensatay 4 Dhibcood oo Ghana ayay isku mid yihiin laakin goolasha laga dhaliyey oo tiro badan ayaay isaga duuli doontaa wadankeeda.

 

Serbia iyadu xisaab maba soo gali karto waayo waxay leedahay 3 dhibcood hadii ay barbaro xitaa keensan lahayd iyadoo soo bixi lahayd.

 

 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor

 

Xulka Spain Oo iska Maydhay Ceebtii kasoo gaadhay guuldaradii Swetzerland ay baday

 

SDWO Johannesburg) Xulka sida weyn loogu saadaalinayey hanashada koobka Aduunka ee Spain ayaa caawa iska madhay ceebtii ka soo gaadhay ciyaartii hore ee looga adkaaday 1 – 0 waxayna Hunduras kaga adkaatay 2 – 0 ciyaar ka dhacday Ellis Park Stadium, ee magaalada Johannesburg


Xulka Denmark oo Aasay Cameroon iyo  Ghana iyo Australia oo isku Raftay

Xulalka Cameroon iyo Denmark ayaa Ciyaar xiisa badani dhex martay,Ciyaartaan oo aad u adkeyd ayaa Markiiba waxaa gool la hormartay xulka Cameroon kaasoo uu udhaliyey Xiddigooda Samuel Eto`o hase yeeshee daafaca reer Cameroon oo aad u liitay ayaa laga daba keenay daqiiqadii 33-aad waxaana goolka ka dhaliyey Laacibka Arsenal ee  Bendtner. 

Qeybtii hore Ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-1, ka dib xul waliba latashiyo soo sameeyey qalad walibana la iska soo saxay ayaa Xulka Cameroon daafacyadooda misana ay xajisan waayeen goolkooda waxaana u labeeyey D. Rommedahl daqiiqadii 61-aad.

Xulka Cameroon ayaa soo qaday  weerar culus waxayna lumiyeen fursado aad qaali u ahaa inkastoo Samuel Eto`o uu aad u ciishooday markuu waayey wax u hiiliya oo goolkiisa u difaaca isla markaana gool labaad kadaba keena waana goolkii ugu horeeyey ay dhaliyaan labadii kulan ay safteen.

Ciyaarta ayaa kusoo afjarantay 2-1 ay guushu ku raacday Xulka Denmark.

Cameroon waa ay ka caraabi doonaan dalka South Africa waayo labadii kulan ay ciyaareen waa laga wada badiyey waxaana u hadhay iyadoo Holland la ciyaarta xitaa hadii ay badiso waxba  uma tarayso waa ay isaga hadheen koobka Aduunka waxaana kaalinta labaad isku haysta Denmark iyo Japan tii soo badisa ayaana usoo bixi doonta qeybaha kale ee tartanka.

Xulalka Ghana iyo Australia oo isku Raftay

Labadan xul ee Ghana iyo Australia ayaa kala haystay guul iyo guuldaro waxaana xulka Ghana oo hore ugu soo badisay xulka Serbia ay ku dadaalaysay sidii ay ugu badin lahayd Australia oo iyada 4 gool ugu soo badiyeen Germany.

Australia maadama looga soo badiyey 4 gool waxay markaan is leedahay inaay hesho guushooda ugu horeysay waxaana ay kudadaalaysay in Ghana ay gacanteeda kala baxdo sedexda dhibcood.

Hase yeeshee dadaaalkeeda waxay ku keensadeen in daqiiqadii 11-aad ay helaan goolkooda ugu horeeyey waxaana u dhaliyey B. Holman kaasoo kubad uusoo tufay goolhayaha daba mariyey.

Daqiiqadii 25-aad ayaa kadhka cas loo taagay  Kewell oo aan odhan  karno wuxuu noqay ciyaaryahanka ugu nasiibka xun ciyaaraha aduunka waayo wuxuu ka ciyaaray 25 daqiiqo oo qudha iyadoo laga saaray garoonka ayna dhici karto inuu seego ciyaaraha Aduunka hadii xulkiisa usoo gudbi waayaan wareega xiga.

Rigoore loo dhigay Xulka Ghana ayaa ka faa`ideysatay waxaana u dhaliyey laacibkooda A. Gyan kaasoo barbaro ka dhigay.

Wixii natiijadaasi ka danbaysay labada kooxood wax goolal kale iskama aysan dhalin 11-ka ciyaaryahan ee Ghana-na kama aysan faa`ideeysan 10 Ciyaaryahan ee ay ku ciyaaraysay Australia inkastoo weeraro tiro badan ay isku soo qaadeen fursado badana ay iska lumiyeen labada xul.

Waxaana ciyaartii kusoo idlaatay 1-1. Guruubkaan waxaa hogaanka u qabtay Ghana oo ku hogaaminaysa 4 dhibcood waxaayna u baahan tahay hal dhibic  waxayna kulanka xiga la leedahay Germany 23ka bishan .

Group-kan  oo aad u qasan ayaa natiijadooda aan la saadaalin karin oo xitaa laga yaabo in Ghana ay hadhi karto hadii Serbia iyo Germany ay badiyaan.

2010 FIFA World Cup™: Latest Matches -

 Spain 2 : 0 Honduras  - Highlights

 Chile 1 : 0 Switzerland  - Highlights

 Portugal 7 : 0 North Korea  - Highlights

Upcoming matches:

 Mexico vs. Uruguay  - 22 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on ITV4

 France vs. South Africa  - 22 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on ITV1

 Nigeria vs. South Korea  - 22 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on BBC3

 Greece vs. Argentina  - 22 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on BBC1

Si Toosa ugala Soco Ciyaaraha FIFA.com

 

 

 

 

 

 

JOHANNESBURG, Ciyaar ka tirsan is aragga labaad ee Group B ayaa waxaa garoonka Soccer City ku yeeshay xulalka Argentina iyo Koonfur Kuuriya [Korea Republic], ugu horeynba Argentina ayaa ku bilaabay ciyaar aad u wanaagsan sida la filayay waxayna 4-1 iyagoo qanacsan ay ku dirtay xulka Koonfur Kuuriya.

 

 

 

Qeybihii hore ee ciyaarta ayay labadan xul waxay u muuqdeen i ay ciyaarayaan kubad isku dheeli tiran inkastoo mararka qaar ay Argentina helaysay fursado qaali ah oo gool loo filan karay Messi ayaa wacdaro la yaab leh la soo baxay isagoo si xirfadaysay u soo jibaaxayay daafaca koonfur Kuuriya  ka dibna u hadiyeynayay saaxibadiis  Carlos Tevez  iyo G. Higuin , balse  daqiiqadii  16` kubad uu soo laaday xiddiga Messi waxaa goolkiisa ku hagay daafaca koonfur kuuriya  Park Chu-Young oo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Argentina ayaa  jaanta isla helay  waxayna muujiyeen kubad caaqibo leh oo ay ku doonayaan inay ku helaan goolal kale daqiiqadii 33` Maxi Rodriguez  ayaa dhinaca bidixda ka soo qaaday waxaana madax ku raaciyay  G. Higuain.

Koonfur kuuriya ayaa dabayaaqadii qeybta hore waxay  waxay sameeyeen isku day badan waxaana daqiiqadii 45`  ayaa waxaa gool uu qaladkiisa lahaa  Martin Demichelis  shabaqa ku luxay Chung-Yong Lee oo ciyaarta ka dhigay in lagu kala nasto 2-1.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa mar kale  u muuqdeen in ay si wacan u soo qaateen taladii Diego Maradona waxayna  la soo baxeen weeraro lixaad leh xulka koonfur  kuuriya ayaa is waayay oo jahawareer xoogan ay la kulmeen 77`daqiiqadu markay ahayd mar kale  G. Higuain ayaa shabaqa ku lulay ka gadaal markii kubad uu Messi soo qaaday wuxuu la yimid goolhayaha isagoo gees ka soo galay wuxuuna kubadii uu ku garaacay goolhayihii Messi ayay mar kale ku soo laabatay birta ayuu ku dhuftay waxaana kubaddii ay u timid Huguin oo meel banana ah ka helay goolka.

Xula Argentina oo si weyn guushan ugu mahadcelinaya xiddiga  G. Higuain oo daqiiqadii 80` ku sooo afjaray ciyaarta 4-1 oo ay si xarago leh ay guusha ugu raacday Argentina waxaa ay noqotay hogaamiyaha Group B  lix dhibcood oo nadiif ah ayayna leeyahiin , dhinaca kale Higuain ayaa noqonaya ciyaaryahanka hogaaminaya xagga gool dhalinta wuxuuna maanta dhaliyay saddex gool  nooca loo yaqaano .

Geesta kale ciyaar kulul ayay garoonka Free State magaalada Mangaung/Bloemfontein ku dhex martay Xulalka Nigeria iyo Greece oo ka wada tirsan Group B, Is aragga labaad kooxaha Group-kan ayay kulankan Greece ku quusisay Xulka Nigeria oo iminka u muuqanaya inuu ka dhacayo tareenkii tartankan 2-1 ayay ku kala tageen.

Xulka Nigeria oo ugu horeyntii la soo galay garoonka ciyaar aad u qurux badan oo ay daqiiqadii 16` ayay Greece kaga naxsadeen kubad laad xor ahayd oo uu shabaqa ku tiiriyay Kalu Uche, Xulka Greece oo danaynaya inuu soo gudo goolkan ayaa waxaa ay fursad qaali ah u soo baxday ka dib markii ciyaaryahan Sani Kaita  uu si badheedh ah qalad u gaystay  waxaana garsooraha ku abaal mariyay kaarka cas  garoonka ayaa laga saaray Greece waxay la yimaadeen iyagoo ka faa`ideysanaya Nigeria oo 10 ciyaaryaahn ku ciyaaraysa  weeraro lixaad leh ayay ku qaadeen Nigeria waxay la yimaadeen goolkii barbardhaca daqiiqadii 44` D. Salpingidis  ayaana u saxiixay qeybtii hore  1-1 ayaana lagu kala nastay.

Inkastoo qeybtii labaad ay muujiyeen Nigeria qaab ay ku ilaashanayaan goolkooda isla markaasna Greece  uu la soo baxay dardar hor leh oo ay  ku doonayaan inay  goolal kale ku dhaliyaan, markii ugu horeysay taariikhda koobka adduunka  ayay u suragashay inay guul kala hoydaan  garoonka Free State geesiga guusha u soo hoyay V. Torosidis oo xulkiisa ugu faa`ideeyay kubad uu tufay goolhaye Vincent Enyeama oo uu shabaqa dhigay .

Guud ahaan ciyaartan ayaa ku soo idlaatay  2-1 oo ay dhabarjab  kala kulantay kooxda reer Afrika ee Nigeria oo u muuqanaysa inay noqon doonto dalkii labaad ee Afrika oo goor hore ka hadha tareenka koobka adduunka ee 2010.

2010 FIFA World Cup™: Latest Matches -

Dhinaca kale xulka dalka Mexico ayaa hargaha u laabay oo albaabada iskugu dhuftay xulkii dalka masar ka dib markii ciyaar isku dheelitiran ay soo bandhigeen kooxda dalka Mexico oo garoonka caawa kala caraabay guul aad u quruxbadan ka dib markii ay kaga adkaadeen oo ay ugu itaal sheegteen kooxda dalka Fransiiska 2-0.

 France 0 : 2 Mexico  - Highlights

 Greece 2 : 1 Nigeria  - Highlights

 Argentina 4 : 1 South Korea  - Highlights

  Upcoming matches:

 Germany vs. Serbia  - 18 Jun 12:30pm (United Kingdom Time) on BBC1

 Slovenia vs. United States  - 18 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on BBC1

 England vs. Algeria  - 18 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on ITV1

 

Shiine Cilmi Kaahin SDWO News Desk – Hargeysa

sirshiine@yahoo.com

 

 

Switzerland Oo  Dirqi Kaga Badisay Spain iyo South Africa Hawda loo Diray 

SWDO (DURBAN, South Africa 16/06/2010 Ciyaar aad u kulul ayay isaga horyimaadeen garoonka Durban , Xulalka kubadda cagta ee Spain iyo Switzerland waxaana xulka Spain oo loo saadaalinayay inay ka mid tahay xulalka ku Guulaysan kara koobka adduunka ayaa waxaa ciyaartoodii hore ay soo baxday inay ku bariiqatay 1-0 ayaana Switzerland ku badisay.

Ciyaartan aad u xiiso badan ayaa qeybtii hore ay muuqatay inay iska maamulanayso garoonka Spain ayaa waxaa ay inta badan  Xulka kubadda cagta ee Switzerland Ciyaarayeen qaab difaac ah iyagoo si weyn isaga ilaalinayay inay gool ka dhaliyaan Xulka Spain, balse waxay mararka ay kubadda lugtooda soo gasho qaadayeen  weeraro feejignaan leh.

Isku dhiib dhiib aad caaqibo u leh mid gaaban iyo kuwo dhaadheer ayay ku cariiftameen xiddigaha xulka  Spain oo dhamaanteed ahaa kuwo  si isku mid ah uga wada muuqday garoonka, lakiin daqiiqadii 52 ayaa waxaa gool dhaliyay G. Fernandes oo helay kubad uu kula raftay daafaca Spain Gerard Pique isagoo markii danbe shabaqa ku hubsaday.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay xulka kubadda cagta ee Spain  wax ka bedeleen qaab ciyaareedkoodii iyaga oo weerar ku soo qaaday goolka Switzerland, laakin waxba kumay keenin.http://img.skysports.com/10/06/800x600/SA-v-Uru-4-Diego-Forlan-Reneilwe-Letsholonyan_2466558.jpg

Forlan: Dictated proceedings in Pretoria

URUGUAY

Korea and South Africa

 

2010 FIFA World Cup™: Latest Matches - A

 South Africa 0 : 3 Uruguay  - Highlights

 Spain 0 : 1 Switzerland  - Highlights

 Honduras 0 : 1 Chile  - Highlights

 Ciyaaraha Bari:

 Argentina vs. South Korea  - 17 Jun 12:30pm (United Kingdom Time) on ITV1

 Greece vs. Nigeria  - 17 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on BBC1

 France vs. Mexico  - 17 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on BBC1

 

Shiine Cilmi Kaahin SDWO News Desk- Hargeysa

sirshiine@yahoo.com 

 

Ivory Cost iyo Portugal Oo Maryo dhiigle kala furtay iyo Brazil oo  Dirqi Kaga Badisay Korea

South Africa , Xulalka kubadda cagta ee Slovakia iyo Newzealand oo Group-ka E ku wada jira, ayay ciyaar xiiso badan ku dhexmartay garoonka Royal Bafokeng Stadium ee magaalada Rostenberg. Ciyaartan oo ahayd mid aad u xiiso badan oo ay labada dal ku soo bandhigeen ciyaar aan laga filayn ayaa ku dhamaatay natiijo min hal gool ah.

Xulka kubadda cagta ee Newzealand oo ciyaarta ku bilaabay dardar iyo firfircooni aad loogu bogay ayaanay u suuro-gelin inay ku hormaraan gool dhalinta ka dib markii ay u maaro waayeen difaaca xulka Slovakia, waxaanay qaybtii hore ee ciyaartu ku dhamaatay gool la’aan.

Qaybtii labaad ee ciyaarta ayay xulka kubadda cagta ee Slovakia wax ka bedeleen qaab ciyaareedkoodii iyaga oo weerar ku soo qaaday goolka Newzealand, waxaanay tani u sahashay inay daqiiqaddii 50-aad ee ciyaarta qaybteeda dambe ku hormaraan gool dhalinta iyadoo uu goolka u dhaliyay Robert Vittek.

Intaa kadib xulka kubadda cagta ee Newzealand waxay xoojiyeen weerarkii ay ku hayeen goolka Slovakia, iyaga oo dhawr jeer helay fursado goolal ay ku dhalin karayeen,  waxana  ugu dambayntii Newzealanad u suurtogashay inay daqiiqadii 90-aad ee ciyaarta la yimaaddaan goolka barbar dhaca oo u saxeexay W. Reid. Sidaas ayaanay labada dalba ku qaybsadeen dhibcihii waxaanay leeyihiin min dhibic, waxa Group-ka E kooxaha ku wadajiraa ciyaarahoodii ku dhamaysteen barbar dhac min hal gool ah iyagoo leh min hal dhibic

Tababaraha Slovakia Vladimir Weiss, ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay waxa dhacay daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta, isagoo intaa ku daray inay aad uga taxadiri doono ciyaaraha soo socda ee ay la yeelay doonaan dalalka ay kuwada jiraan Group-ka E oo ay ka mid yihiin Italia iyo Paraguay.

Dhinaca kale waxay ciyaar xammaasadeeda loo bogay ku dhexmartay garoonka Nelson Mandella Bay ee magaalada Port Ellizabeth xulalka Ivory Cost iyo Portugal, ciyaartan waxa isha aad loogu hayey xulka kubadda cagta ee lagu magacaabo Maroodiyada Afrika oo dadwaynaha reer afrika iyo saxaafadduba u saadaalinayeen inay guul-darro garoonka kala huleel;I doonaan, laakiin waxa taa diiday xulka Ivory Cost oo u babac dhigay Portugal.

Xulka Portugal oo qaybtii hore ee ciyaarta ku gacan sarreeyay ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta madasha iska waayay, waxaanay Ivory cost halis gelisay goolka Portugal markii ay ciyaartu sii dhammaanaysay oo ay heleen fursado gool loo filanayey, laakiin labada kooxood midna wax goolal ah iskamay dhalin, waxaanay ciyaartoodii ku dhammaysteen barbaro bilaa gool ah, iyada oo ay dhinac walba la huleelay min hal dhibic.

2010 FIFA World Cup™: Latest Matches -

 Brazil 2 : 1 North Korea  - Highlights

 Côte d’Ivoire 0 : 0 Portugal  - Highlights

 New Zealand 1 : 1 Slovakia  - Highlights

 Ciyaaraha Bari:

 Honduras vs. Chile  - 16 Jun 12:30pm (United Kingdom Time) on ITV1

 Spain vs. Switzerland  - 16 Jun 3:00pm (United Kingdom Time) on BBC1

 South Africa vs. Uruguay  - 16 Jun 7:30pm (United Kingdom Time) on BBC1

 

Taag-darrada Cameroon + Tiiq-tiiqsiga Holland + Tijaabadda Talyaaniga 

SDWO South Africa , Xulka kubadda cagta ee Holland oo ka mid ah dalalka la saadaalinaayo inay meel fiican ka gaadhi karaan koobka adduunka, ayaa kulankoodii ugu horeeyey 2 – 0 kaga adkaaday xulka dalka Danmark.

 

Holland ayaa qabtii hore ee ciyaarta gacanta ku haysay, iyadoo kubadda u maamulanaysay sida ay rabto, balse dhanka fursadaha waxa ku wanaagsanaa Danmark, iyadoo xulka Holland fursada keliya ee ay heleen ahayd kubbad laga soo laaday meel bannaanka ka ah xeradda ganaaxa oo dul martay goolka Denmark.

Daqiiqadii ugu horaysey qaybtii labaad ee ciyaarta ayay xulka kubadda cagta ee Holland heleen goolka koowaad, kadib markii karoos uu van Persie soo dhigay afka hore ee shabaga Danmark uu cayaaryahan Simon Poulsen oo u ciyaara Denmark is yidhi kubadda dibedda uga saar diilinta ganaaxa, kadibna intay ku dhacday Ager shabaga Denmark ku dhacday.

Goolkaa kadib xulka Holland waxay heleen kalsooni, iyagoo weeraro badan ku soo qaaday xulka Danmark si ay u helaan goolka labaad si ay u xaqiijistaan guusha aan la isku halayn karin ee gacanta ugu jirta.

Xiddiga Liverpool Dirk Kuyt, ayaa xulka dalkiisa Holland u dhaliyay goolkii labaad daqiiqaddii 85-aad ee ciyaarta, kadib markii uu Sneijder kubbad qurux badan ka soo dhexsaaray daafaca Danmark una dhigay cayaaryahan Elia oo si fudud u dhinac mariyay goolhayaha Denmarka, isagoo birta ku dhuftay, laakiin waxa dhammaystiran Kuyt oo shabaga la helay, ciyaartiina ka dhigay in qaranka Holland 2-0 kaga badiyaan xulka Denmark.

 

Dhinaca kalena waxa ciyaar xamaasad badani dhexmartay labada dal ee Cameron iyo Japan oo Group-ka E ay kuwada jiraad dalalka Hollan iyo Denmarka, waxaana ciyaartan si gaar ah isha ugu hayey taageerayaasha xulka Cameron iyo guud ahaanba qaaradda Africa oo laga naawilayey bal waxa ay kala mutayasan doonaan xulalka Cameron iyo Japan.

Ciyaartan dhex martay labada dal oo ka dhacday garoonka Free State Stadium ayay xulka Japan oo qaybtii hore ee ciyaarta inta badan iska maamulanayey ay daqiiqadii 39-aad ee ciyaarta dhaliyeen goolka madiga ah ee ay guushu ku raacday kadib markii kubbad uu soo laliyay xiddiga baasha midig ee Japan Daisuke Matsui uu Keisuke Honda si habsami ku dheehantay u dabamariyey goolhayaha Cameroon Souleymanou ka dib markii uu ka soo laaday meel 8-yard u jirta goolka Cameron, sidaa ayaanay xulka Japan kaga farxiyeen taageerayaashoodii safarka dheer u soo galay daawashada iyo taageeradda xulkooda.

Waxana Group-ka E hoggaanka u wada haya dalalka Holland iyo Japan oo labaduba ku guulaystay ciyaarihii ay yeesheen iyagoo Jeebka ku shubtay min 3 (saddex) dhibcood.


 

Shiine Cilmi Kaahin - SDWO News Desk - Hargeisa

 

Guled Abdi Sheekhaash - SDWO News Editor

 
USEFUL LINKS  Fatherhood     6 Serious Medical Symptoms      7 Silent Medical Conditions   Blood Pressure@Work   Malaria- Kaneecada Daily Health Advice   Khat Report   Sports     Depression is increase in Somalis     History of  Somaliland      UK Immigrations - Somalia       Diabetes -Health      Somali & East  African Music   UK Entery Visa       Money  Computer      Quran Download     English football - Premiership          American Green Card    Crime          The Mad Mullah who shamed us in Somaliland Ramadan 

SOMALILAND DEMOCRACY WATCH ORGANISTION - NEWS PAGE